berberatoday.com
Mucaaradka Liibiya Oo U Hanjabay Diyaaradaha Isticmaala Garoonka Mitiga
January 25, 2020 - Written by Berbera Today

Tripoli(Berberatoday.com)-Xoogagga fallaagada dalka Liibiya ayaa ku hanjabay in ay gantaallo ku garaaci doonaan diyaaradaha rayidka ee dul maraya caasimadda Tripoli, taa oo ay ku tilmaameen in ay tahay aag diyaaradaha ka caaggan ama aan la geli karin.

Garoonka diyaaradaha ee Mitiga oo ah midka kaliya ee hadda shaqeya ayaa arbacadii la soo dhaafay la xiray ka dib markii gantaallo lagu soo riday.

Balse dowladda midnimada qaran ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegtay in haatan garoonkaasi dib loo furay.

Garoonkaasi Mitiga ayaa dhawr jeer duqeymo lala beegsaday tan iyo markii ciidamada Janaraal Xaftar ay billaabeen duullaanka ay ku doonayaan in ay kula wareegaan gacan ku haynta caasimadda Tripoli.

Warbixin qoraal ah oo la soo dhigay barta Facebook ayay dowladda caalamku aqoonsan yahay ku sheegtay in muhiimadda koowaad ay tahay sidii dib loogu furi lahaa garoonkaasi Mitiga.

Dowladda ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobey in ay gudato waajibaadkeeda ah in ay badbaadiso shacabka iyo duulimaadyada rayidka ee halista kala kulmaya maleeshiyaadka fallaagada ahi.

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso xilli magaalada Aljeris ay ku kulmayaan diblomaasiyiinta waddamada deriska la ah Liibiya, kuwaasi oo ka arrinsanaya sidii loo soo afjari lahaa colaadda la degtay dalkaasi Liibiya ee saliidda qaniga ku ah.

Afhayeen u hadlay janaraal Xafta oo lagu magacaabo Axmad Al-Mesmari ayaa shalay sheegay in la burburin doono diyaarad kastaa oo uu leeyahay milatari ama shacab ee soo dul martaa caasimadda.

Mesmari waxa uu sheegay in ciidamada dalka Turkiga ee lagu soo daabulay dalkaasi Liibiya ay garoonkaasi Mitiga u isticmaalaan saldhig milatari.

Digniintaasi ayaa timid ka dib markii la hakiyay duulimaadyadii ku soo degayay garoonkasi sababo la xiriira gantaallo shalay halkaa lagu soo riday, kuwaa oo dowladdu ay ku eedeysay fallaagada uu hoggaamiyo Janaraal Xaftar.

Dolwadda midnimada qaran ayaa weerarkaasi ku tilmaantay mid lagu jebinayo heshiiskii dhawaan la kala saxiixday.

Ciidamada Janaraal Xaftar wali kama aysan hadlin eedeymahaasi balse waxay sheegeen in ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo laga leeyahay dalka Turkiga, taa oo ay sheegeen in ay ka soo duushay garoonkaasi.

Dalka Liibiya ayaa qalalaaso ku jiray tan iyo sanadkii 2011, xilligaas oo uu bilawday kacdoon xilka lagaga tuuray hogaamiyihi mudada dheer kasoo talinayay dalkaas ee Mucammar Gadaafi.

Ciidamada Qaranka ee dalka Libya ee daacadda u ah Jeneraal Xaftar waxaa ay maamulaan inta badan bariga dalkaas. Waxaa ay duulaan ka dhan Dowladda fadhigeedu yahay Tripoli bilaabeen sanadkii 2019-ka, inkastoo aysan ku guuleysani in ay la wareegaan caasimadda haddana waxaala sheegaa in ay gacanta ku hayaan inta badan dalkaas.

Madaxweynaha Turkiga iyo dhiggiisa Ruushka ayaa ku baaqay xabad-joojin, kadib markii ay ku kulmeen magaalada Istanbul.

Al-Mabrouk al-Gazawi oo katirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in maleeshiyaadka Haftar ay jabiyeen xabad-joojinta, wuxuuna intaa raaciyay in ay adeegsadeen hub noocyo kala duwan.

Dowladda Libya ayaa markii hore diiday in ay aqbasho xabad joojinta, inkastoo markii dambe ay dib ka aqbashay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews