berberatoday.com
Sidee Maxamed Bin Salman Ku Jabsaday Taleefonka Jeff Bezos – Ninka Ugu Taajirsan Dunida?
January 25, 2020 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Taleefonka bilyineerka iska leh shirkadda Amazon ee Jeff Bezos ayaa la jabsaday sanaddii 2018 kadib markii uu farriin WhatsApp ah ka helay cinwaanka dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman, waxaa sidaas weriyey wargeyska The Guardian.

Jeff Bezos ayaa sanadihii 2018 iyo 2019 kaalinta koowaad ka galay liiska majaladda Forbes ee dadka ugu taajirsan caalamka.

Farriin la rumeysnaa inay sugan tahay oo uu Maxamed Bin Salman usoo diray Jeff Bezos ayaa waxaa la ogaaday inuu ku jiray Fayrus, kaasi oo sahlay in taleefonka la dhex galo kadib markii uu Bezos furay fariinta, sida lagu ogaaday baaritaan.

Taxliiliyayaal computer ayaa sheegay inay u badan tahay in taleefonka lagu jabsaday video la socday fariinta Bin Salmaan uu soo diray.

Marka file-ka Fayruska wata lasoo dirayey, ayaa Jeff Bezos iyo Bin Salmaan waxaa WhatsApp-ka ku dhex-marayey wada sheekeyso saaxiibtinimo, sida ay ilo-wareedyo xog-ogaal ah u sheegeen The Guardian.

Saacado gudahood ayaa faylal kumanaan gaaraya loogala baxay taleefonka Bezos, sida uu sheegay qof xog-ogaal u ah arrintan. Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa ay ahaayeen falayasha.

Sheekadan ayaa abuureyso su’aal ku saabsan kaalinta uu Maxamed Bin Salman ku lahaa sawirro sir ah oo muujinayey xiriir qarsoodi ah oo Jeff Bezos uu lahaa gabar, kuwaasi oo uu daabacay wargeyska National Enquirer, islamarkaana hoggaamiyey in Bezos iyo xaaskiisa kala tagaan.

Tallabaadan ayaa la rumeysan yahay in looga dan lahaa in loogu goodiyo Jeff Bezos, si wargeyska Washington Post, oo uu leeyahay, uu u joojiyo qorista sheekooyinka Jamaal Khaashuqji oo wargeyska wax ku qori jiray, kuwaasi oo fadeexad weyn ku noqday Bin Salmaan.

Sacuudi Carabiya way beenisay in jabsashada taleefonka Bezos ay dhiir-geliyeen ficillo siyaasadeed.

Dad ku dhow Maxamed Bin Salmaan ayaa u sheegay wargeyska Wall Street Journal inay ka war hayeen qorshahaha jabsashada, balse aysan waxba ka ogeyn in ujeedku ahaa in loogu hanjabo Jeff Bezos.

Waxay sidoo kale sheegeen in falkan uu ka dambeeyey Saud Al-Qahtani oo ahaa jaajuus u shaqeynayey Maxamed Bin Salmaan, uuna doonayo inuu ku cabsi geliyo Jamaal Khaashuqji.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews