berberatoday.com
Wasiirka Arimaha Gudaha Jabuuti Oo Socdaal Ku Imanaya Hargeysa Saacadaha Soo Socda Iyo Ujeedada Socdalkiisa
January 25, 2020 - Written by Berbera Today

Wasiirka Arimaha Gudaha Wadanka Jabuuti Mudane Xasan Cumar Burhaan Ayaa Saacadaha Soo Socda Ku Soo Wajahan Magaalada Hargeysa Wasiir Xasan Ayaa U Imanaya Sidaanu Ka Helayno Ilalo-Wareedyo Lagu Kalsoonyahay Arin Maalintii Khamiistii Ka Dhacday biyaha Bada Somaliland Taas Oo Ahayd In Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Dib Uceliyeen Markab Sife Sharcidaro Ah  Biyaha Bada Somaliland Ula Soo Galay Isaga oo Jiidaaya Xadhiga Isgaadhsiinta Viber Optic oo Laga Leeyahay Dalka Jabuuti Lana Yidhaa Dareen1.

Xadhiga oo Todobaadkan Horaantiisii dawlada Jabuuti Ku Daahfurtay Xeebata Magaalada Jabuuti ayay sheegatay inay Ugudbinayso dalka Somaliya Caasimadaasi sii marin doonto Xeebaha Somaliland gaar ahaan Xeebta Gobolka Saaxil ee Berbera iyaga oo aan Dawlada Somaliland wax xidhiidha kala soo samayn hase yeeshee iska watay hawshooda.

 

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ee Saldhiga Saylac ayaa Markabkaas oo Xadhiga Jiidaya Dib ugu Celiyay dalka jabuuti iyada oo la sheegayo in israsaaseyni arinkaas ku dhexmartay Ciidamo Jabuutiyana oo Markabka galbinaayay iyo Ciidamada Ilaalada xeebaha Somaliland ugu danbayntii waxa markabkaasi dib ugui jahaystay maagalada Jabuuti uu kasoo kicitimay.

Maalmihii udanbeeyay waxa Gobolada Dalka aad looga hadal hayay xadhigaas aan dawlada Somaliland lagala soo xidhiidhin ee dawlada Jabuuti Ku taamaysay inay Xeebaha Gobolka Saaxil soo marin doonto iyada oo Magaalada Bebera Ku sheegaysa Somaliya Waxaana Xusid Mudan in horena uu ujiray Xahig kaloo dhulka Lasoo mariyay oo Viber Optic Dalka Jabuuti laga leeyahay ah kaasina uu isgaadhsiin ahaa dalka ugu filnaa shirkada SOMCAPLE Na ay qadaraas 25 Sanadooda Kuhaysatay.

Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Cabdirashiid Cali Suufi ayaa maalmihii warkani soo baxay warbaahinta usheegay inaan xadhigaas la keeni karin Berbera biyaha Bada Somalilandna aan lasoo marin karin Dawlada ahaana aanay waxba kala socon hadalka kasoo yeedhay dawlada Jabuuti.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews