berberatoday.com
Safiirka Ruushka Dalka Jabuuti Ufadhiya Oo Ka Hadlay In Dalkiisu Doonayo Inuu Saldhig Milatari Ka Samaysto Berbera
February 22, 2020 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Safiirka Ruushka ee dalka Djibouti danjire Mikhail Golovanov, ayaa sheegay inaanay dawladda Ruushka u qorshaysnayn inay saldhig milatari ka samaysto Berbera.

Safiirka Ruuska ee Djibouti oo u waramay shabakadda wararka ee RIA Novosti News Agency, ayaa waxa su’aalihii la weydiiyay ka mid ahaa wararka sheegaya in dalka Ruushku uu saldhig milatari ka samaysanayo Berbera, waxaanu safiirku su’aashaas si kooban ugaga jawaabay, “Ruushku; ma waddo inuu dekedda Berbera ka samaysto saldhig milatari. Wada hadalo arrintan ku saabsan lama qabanin.”

Wargeyska caanka ah ee New York Times, ayaa horaantii bishan  qoray warbixin uu ciwaan uga dhigay “Ruushka oo saamayn sii kordhaysa ku leh Afrika iyo Reer  Galbeed badan oo ka werwersan.”, waxaanu warbixintaas ku sheegay in dalka Ruusku uu xidhiidho badan la sameeyayAfrika, kuwaas oo uu kaga kasbaday kalsooni.

Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah oo katirsan waaxda gaashaandhiga ee Maraykanka, wuxuu sheegay in meelaha uu Ruushku isha ku hayo ay ka mid tahay dekedda Berbera ee Somaliland, “Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigu, madaxda Ruushku waxa ay isha ku hayaan dekedda Berbera inay u noqoto goob ay ka samaystaan saldhig ku yaalla magaalo Xeebeedda Berbera ee Somaliland oo dhacda Gacanka Cadan. Shiinaha iyo Maraykanka, oo saldhigyo ciidan ku leh Jibuuti, waxa ay la wadaagaan isla xeeb dekedda ay suurtagalka tahay in Ruushku dego.” Sidaas ayay tdhi warbixinta wargeysku qoray.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews