berberatoday.com
Somaliland Oo Ka Hadashay Duulimaadyada Ay Diyaarada Itoobiya Ku Timaado Hargeysa
April 2, 2020 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inaanay joojineyn duulimaadyada ay diyaarada Ethiopian Airlines ku timaado madaarka magaalada Hargeysa.

Somailand ayaa weli ku adkeysaneysa inaanay joojin duulimaadyada diyaaradaasi oo tagta waddamo uu cudurkaasi faro ba’an ku hayo, iyadoona gudaha Somaliland laga helay Kiisas la xidhiidha fayrayska Corona.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay inaanay wakhti xaadirkan Xukuumadooda Somaliland joojineyn diyaarada Ethiopian Airlines, isagoona xusay inay soo saareen go’aamo ay dhawaan ku mamnuuceen dadka ka imanaya Yurub iyo Mareykanka.

Wasiir Koore ayaa diyaarada Ethiopian Airlines ku sheegay mid ka qeyb qaadaneysa soo daabulida dadka ku xayiran garoomada, isla markaana ay qasab tahay in dadkii hore u goostay Ticket-yadooda safarku ay ka soo dagaan madaarka Hargeysa.

Somaliland ayaa ilaa hadda si dhab ah u qaaday talaabooyin ay ku xakameyneyso in cudurka Corona uu ku faafo Somaliland, iyada oo Kiisas la xidhiidha cudurkaasi laga helay magaalooyinka Berbera iyo Burco.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews