berberatoday.com
“Guurow illaahay jannada, Gurisan Kuu Oodye Aadmiga Dilkaa Lagu Xukumay, Oolid Laga Waaye”Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile
May 20, 2020 - Written by Berbera Today

Gabay Baroordiiq (Elegy Poem) Muj. Xasan Guure Jaamac
Gabaygan baroordiiqda iyo ducada ah waxaa hal-abuuray Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile oo ku sii sabootiyey Muj. Xasan guure oo ku geeriyooday magaalada Hargeisa taariikhda Hijriga Islaamka tobankii danbe ee bil ramadan 23 Ramadan 1441 oo ku beegan taariikhda miilaadiga oo ah 16/05/2020.
Magaca gabayga: Hal-abaar
Wuxuu yidhi sidan:

Adduunyooy amuureey miyeey, urugo soo yeedhay
Saqdadhexe allaylkii miyuu, uumiyuhu toosay
Indheergarad abkiisii miyaan, udubdhexaad weynay
Irrid igu bannaanaan miyaan, oodi kari waayey
Afdhabaandhab geeridan miyaan, erey tusmeyn waayey
Goortaan hurdada allalad kacay, oonta laga soomay
Dad aguugay caliyow markay, uubatadu yeedhay
Anfariirka geeridan qalbiga, waxan adkeeyaaba
Oohintayda uurkii miyaa, aamus la’i mooday
Awaaraha ninkaa lagu roggee, iilka lagu ooday
Afku-siran hadraawow ninkaad, ereyo sheegaysay
Waa ardaa-dhigeedii ninkaa, eebbe oofsadaye
Guurow illaahay jannada, gurisan kuu oodye
Aadmiga dilkaa lagu xukumay, oolid laga waaye
Ameerikiyo Aasiya illaa, Oroba baasheeda
Arladoo dhan baa laga ogaa, ol’olihiisiiye
Taariikh ma eegnoo in badan, waan ilownahaye
Inagoon abaalgudin hadduu, aakhiro u jeestay
Aasan-og inaan nahay abwaan, aragti noo sheegye
Boobow adaa ururin jiray waxay, ilduufeene.

Allaylehe haldoor baa ka baxay, odayadeeniiye
Abti iyo awoow wuxu ahaa, eheladaydiiye
Afyaqaan, aqoonyahan, wax-garad, waa iftiin damaye
Ebeb iyo waxsheegii dadkana, kala irdhaynaynin
Isagon ubacda dooxayn siduu, iinta ugu sheegay
Runta ku adimaayiyo siduu, iniq u dhaafaynin
Ilbaxnimo u hadal uu lahaa, uunku wuu tebiye

Nimaan arami reernimo lahayn, uur xun iyo boogo
Amintuu hadlaba geesigii, noo arriminaayey
Abaartiyo runtaa lagu jeclaa, ibofurkiisiiye
Dadku nimuu ushaa buu ahaa, una adeegaaye
Hal-abaar aftahan wuxu ahaa, ababshaheeniiye
Akhlaaq wacan sifadi uu lahaa, uunku wada sheegye.
Asluub iyo afkaartii wacnayd, urur miyaan weynay

Ayaamaha illaahay khalqiga, naarta naga awday
Isaguna bil ramadaan hadduu, eebbe naga qaaday
Amraniduu lahaa iyo khalqiga, muxubadii ooyey
Ducadii la diray iyo ergadi, aaminta u yeedhay
Caro-edeg albaabkaan furnaba, lagu amaanaayey
Xasan guure odhan jiray dadkii, arar-dhig soo qaaday
Sidii weli amaanaa dadkii, aad afqudha mooday
Ilyaasow waxaa lagu gartaa, waa inshaar wacane
Addoon khayr inuu yahay miyeey, oogta ka cadaatay

Imikana ducada aan gelnee, Aammin ta u tiirsha
Idamkii illaahay baryada wuu, aqbalayaaye
Il waxaanay arag oo dheg maqal, eebe ku gu soorye
Xaqa eray illaah kugu sugyoo, aayar lagu siiye
Ajar iyo wanaagii illaah, aamin kugu siiye
Malaa’iig illaahay dirsaday, kuu abaabula’e
Udgoonow rasuulkii la jaar, eheladiisiiye
Anaguna ducaan kuu wadnaa, kaa agdhownahaye
Ku ildoogso illihii jannada, ubaxyadoodiiye

Duco kale illaah kuu aqbale, Aamminta u tiirsha
Casiisow illaahow addaa, amarle oo weyne
Anaguna addoomaanu nahay, oo itaal darane
Awood malahin eebbow midaa, adiga mooyaane
Danbigiisa aadmiga in badan, adiga oo dhaafa
Adigaa baryada oofiyoo, kuu addoonahaye
Carshigaaga oogada saree, gacantu eegayso
Ergo aanu nahay iyo indhaha, kuu ilgibidhleyni
Allahayow addoonkaa jannada, naga ajiib maanta
Danbidhaaf illaahow ku siiye, iilka gudihiisa
Neecow qabow oo udgoon, ilo-xidh noo seexi
Illaahow arsaaqdaada badan, alif ma koobayne
Anaguna markii aan go’nee, uubka hore gaadhno
Naxariis illaahow nasii, aadmi baan nahaye
AAMIIN AAMIIN YAA ALLAH

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews