berberatoday.com
Masuuliyiinta Dugsiyada Nuuradiin Oo Ka Hadlay Dhaawac Loo Geystay Maamulihii Guud Ee Dugsiyada Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim
May 22, 2020 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin Ayaa ka Hadlay Xaalada Caafimaad Ee Aas Aasaha Dugsiyada Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim Oo Salaadii Makhrib ee Caawa fiidkii Uu  Nin Dhaawacyo ku soo Gaadhsiiyay Masaajidka Shaafici Ee Xaafada Boqol iyo Kontonka Oo Uu Ku Tukanayay.

Maamulaha Dugsiyada Nuuraadiin Ismaaciil Maxamuud Cakuush Oo Goor Dhawayd Khadka Telefonka Ugu Waramayay Warbaahinta Qaar Ayaa sheegay In xaalada caafimaad ee Maamulihii Guud Ee Dugsiyada Nuuraadiin Xaaji Mahad Ay Aad ufiican tahay Islamarkaana ay dhaawac fududi kasoo gaadheen hadana uufiican yahay.

Maamul Ismaaciil oo Arimahaasi ka hadlaya ayaa wuxu yidhi” “walaal xaalada Caafimaad Ee maamulka guud ee dugsiyada Nuuraadiin Xaaji Mahad aad ayay ufiican tahay Galabka Ayaa isagoo salaadii makhrib ku tukanaya masaajidka Shaafici waxaa weeraray   nin dusgiyada hoose dhexe ee nuuraadiin macalin ka ahi  kaasi dhaawacyo fudud kasoo gaadhsiiyay madaxa xili uu salaadii makhrib ku tukanayay, xaaladiisa caafimaadna wayn fiican tahay mana jirto wax laf ah oo jaban  ,alxamdulilah wuu talinayaa aad ayuuna ufiican yahay ”Ayuu yidhi maamule ismaaciil cakuush.

Sidoo kale Maamulaha dugsiyada nuuraadiin isamaaciil cakuush ayaa sheegay In Ninkii macalinka ahaa dhaawacya  ugaystay Maamulaha guud ee Dugsiyada Nuuradiin uu xidhan yahay Islamarkaana ay arintiisa gacanta ku hayaa ciidamada amaanka oo laga war sugi doono baadhitaankooda.

Dhanka kale maamulaha dugsiyada nuuraadinn ayaa fariin diray shacabka Somaliland gudo iyo dibadba iyo guud ahaan ardayda dugsiyada nuuraadiin uu ku wargalinayay in xaalada xaaji Mahad fiican yahay islamarkaana ay is dajiyaa sidaana ula socdaa.

Wixii kasoo kordha kala soco wararkeena danbe

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews