berberatoday.com
Diyaaradihii Ruushka Ee Taageerayey Khalifa Haftar Oo Ka Baxay Magaalada Tripoli Ee Dalka Libya
May 26, 2020 - Written by Berbera Today

Tripoli(Berberatoday.com)-Diyaraadaha dagaalka Ruushka ayaa xulufadooda Libya waxay ka saareen magaalo ku taalla koonfurta Tripoli kadib markii ciidamada ay taageerayeen ee Jeneral Khalifa Haftar ay kasoo gurteen furumaha dagaalka ee caasimadda, waxaa sidaas sheegay duq magaalo.

Bixitaanka la weriyey ee diyaaradaha Ruusha ayaa dhabarjab kale ku ah Ciidamada Qaranka Libya (LNA) ee uu hoggaamiyo Khalifa Haftar iyo xuluafadiisa shisheeyaha.

Ciidamada Haftar, oo ay taageerayaan Ruushka, Masar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa 13 bilood isku dayayey inay qabsadaan caasimadda Libya, hase yeeshee waxaa toddobaadyadii dhowaa ku dhacay guul-darrooyin is-xig-xigay oo ay kala kulmeen ciidamada Turkigu ay taageeraan ee dowladda Libya.

Saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey, ciidamada Haftar waxay ka baxeen goobo ku yaalla koonfurta Tripoli, taasi oo ay ku qeexeen axsaan bani’aadannimo. Ciidamada dowladda caalamku uu aqoonsan yahay ayaa qabsaday qaar ka mid ah goobahaas.

Libya ma lahayn maamul dowlad dhexe muddo sagaal sano ah, waxaana tan iyo 2014 ay u kala qeybsaneyd laba dowladood oo iska soo horjeeda oo ku kala sugan bariga iyo galbeedka dalka. Dagaalka ayaa isku beddelay mid mid qarsoon oo u dhaxeeya xulufo dibadeed oo kala taageeraya labada dowladood.

Diyaaradaha dagaalka Ruushka ee xulufada la ahaa Haftar iyo qalab culus ayaa ka baxay caasimadda waxayna degeen garoonka diyaaradaha Bani Walid, oo ah magaalo 150km u jirta bariga koonfureed ee Tripoli, sida uu sheegay Salem Alaywan oo ah duqa magaalada Bani Walid.

Waxa uu Reuters u sheegay in diyaaradaha dagaalka Ruushka ay kasoo baxeen galbeedka Libya, kuna sugan yihiin magaalada Jufra oo ay ku xooggan yihiin ciidamada Haftar.

“Bixitaanka Ruushka ee aagga Tripoli waa dhacdo macno weyn leh, sababtoo ah waxay ciidamada Haftar ka xayuubineysaa xooggii shisheeye ee ugu qalabka wanaagsanaa ee furintaas,” waxaa sidaas yiri Jalel Harchaoui, oo ka tirsan machadka Clingendael Institute.

Dowladda Libya ayaa adeegsaneysa dagaal-yahanno Syrian ah oo xulufo la ah Turkiga, halka Haftar uu adeegsanayo kuwa u dhashay Sudan. Dowladda ayaa taageero ka heleysa Turkiga, halka Haftar ay taageerayaan Imaaraadka, Ruushka iyo Masar.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews