berberatoday.com
“Colaadda Villa Boondheere Ma Aha Mid Ku Gaar Ah Madaxwayne Muuse Ee Waa Colaad Masiiri Ah”Agaasime Axmed Carwo. “
May 28, 2020 - Written by Berbera Today

“Waxan Arkay Saxaafad Ka Dhigaysa Cadaawadda Xamar Mid Shakhsi Ah Oo Ku Kooban Muuse Biixi. Waa Aragti Doqon”Agaasime Axmed X, Carwo.

Hargeysa(Berberatoday.com)-Agaasimaha baanka dhexe ee jamhuuriyada Somaliland Axmed Xasan carwo ayaa qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay ee xidhiidhka bulshada wuxu kaga hadlay caawada maamulka muqdisho u hayaan jiritaanka jamhuuriyada Somaliland iyo sida bulshada reer Somaliland qaarkood aanay u fahan sanayn iyagoo loogu dhigayo colaad ku gaar ah madaxwayne muuse biixi balse arinta aanay sidaa ahayd ee ay tahay duulaan ka dhan ah masiirka jamhuuriyada somaliland.

Qoraalka Agaasime Axmed Xasan Carwo baahiyay ayaa udhignaa Sidan;

“Colaadda Villa Boondheere Ma Aha Mid Ku Gaar Ah Madaxwyne Muuse.Waa Colaad Masiiri Ah oo lagu Burburinaaya qarannimada Somaliland nin kasta Madax ha ka ahaadee. Diiraddu waxa ay saariyaan kolba ka kursiga fadhiya.

Hadduu Ciro ahaan lahaa, Faysal amba mid kale, sidan ayey ahaan lahayd. Doqonku se waxuu moodayaa in cadaawado ku koobantay Muuse Biixi. Kolka ay Madaxweyne Muuse weerarayaan waxa weerarku ku socdaa Somaliland. Sow dhoweysi mucaarad ha moodin mid nasteexa ah, waa kala furfurka bulshadeena.

Kalo garo mucaaridnimada gudaheena oo ah nuxurka dimuquraadiyadda, kala duwanaansho fikir iyo kala jecleysi hogaamiye waa sunaheeda, laakiin taasi yeyna kaa indho tirin codowga hadafkiisu yahay burburinta qarannimadeena. Cadowga u midooba, hoggaankana si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka ugu tartama.

Waxan Arkay Saxaafad Ka Dhigaysa Cadaawadda Xamar Mid Shakhsi ah Oo ku Kooban Muuse Biixi. Waa Aragti Doqon iyo ruux cadowga u qabaanaaya.

Somaliland ha noolaato. Daafaca qaranka weynu u midaysanay taageerayaasha Ucid, Waddani iyo Kulmiye iyo muwaadinka aan midna taageerin.

Wadajir iyo midnimo kolka qaranka duulaan lagu yahay. Ka nixi cadowga, ha noqon ka ka farxiya si toos ah amba si dadban. Guul iyo mustaqbal wacan. Nabad, iyo horumar.

Qalinkii; Agaasimaha Baanka dhexe ee jsl Ahmed Hassan Arwo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews