berberatoday.com
Jawhar Mahamed Iyo Hogaamiyihii Xisbiga Mucaaridka Oromiya Oo Xabsiga Loo Taxaabay.
July 1, 2020 - Written by Berbera Today

Adis Ababa(Berberatoday.com)-Wararka laga helay magaalo madaxda dalka itoobiya Waka ayaa sheegtay in ciidamada amaanka ee Ethiopia qabteen Jawar Mohammed oo kamid ah mucaaridka dalka islamarkaana u ololleya danaha Oromada in la xidhay sida laga soo xiganayo warbaahinta OMN oo Jawar mahamed leeyahay.

Sidoo kale ciidamada itoobiya ayaa xidhay hogaamiyihii xisbiga oromada  BekeleGerba kuwaasi oo laba masuulba la xidhay goob aan wali la qoonsan,

Ciidamada Amaanka ee Ethiopia ayaa sidoo kale ayaa albaabada iskugu dhuftay  xaruntii OMN taaso warbaahinta ku qasabtay inay adeegsato xarunteeda Minnesota, Ee dalka Maraykanka.

Warbixinta ayaa lagu tibaaxay in Jawar la qabtay kadib markii ilaaladiisa gaarka ahi diideen inay hubka dhigaan. Waxaa kale oo la qabtay Beqele Gerba oo kamid ah hogaamiyayaasha mucaaridka Ee Oromada.

Caasimada dalka iyo goobo badan oo Oromia ah ayuu waagu ugu baryay mudaharaadyo ay dhigayaan dad ka gadooday dilka fanaan Oromo ah oo aad qoomiyada Oromadu u qadariso. Haacaaluu Hundeesa oo 35 jir ahaa ayaa xalay lagu toogtay duleedka Addis Ababa. Ilaa hadda lama oga sababta dilka fanaanka; cid musuuliyada toogashada sheegatayna ma jirto. Hundeesa ayaa ku caan baxay heeso lagu gubaabiyo Oromada oo aad loogu luuqayn jiray xiligii kacdoonkii Oromadu socday.

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyada, halka dad ku dhow 100 qof ku dhaawacmeen. Magaalada Adama waxaa ku dhimatay 5 qof; ilaa 75 qofna way ku dhaawacmeen. Magaalada Chiro oo ku taal bariga Oromia ayey laba qof ku dhinteen.

Dhalinyaro cadhaysan ayaa dumiyay taalo loo dhisay Ras Mokonnen oo ahaa Xayle Selesse aabihii islamarkaana watay ciidamadii Harar qabsaday.

Dadka gadooday ayaa wadooyinka ku xidhay taayiro gubanaya. Waxaa kale oo dab la qabadsiiyay qaar kamid ah xafiisyada dawlada.

Sidoo kale War kasoo baxay Safaarada Maraykanku leeyahay magaalada Adis abab ayaa sheegtay in goobo caasimada ah laga maqlayay shanqadha rasaasta islamarkaana dibadbax ka dhacay meel u dhow safaarada.

Warbixinta safaarada ayaa xustay inay xaalada si dhow ula socdaan.

 Ra’isulwasaaraha Ethiopia ayaa tacsi u diray qoyska fanaanka isaga oo muujiyay inuu ka xun yahay dilka. Abiy Ahmed ayaa dadweynaha ka codsaday inay is dajiyaan.

 Sarkaal u hadlay booliska Ethiopia ayaa xusay inla qabtay dhowr qof oo la tuhmay hasayeeshe faahfaahin kale ma bixin.

Waxaa adag inla helo sawirka dhabta ah ee dibadbaxyada iyo qulqulatooyinka maadama adeegi internet-ka la jiray ama aad cidhiidhi loo galiyay.

Qulqulatooyinka cusub ayaa Abiy ku noqonaya cadaadis kusoo kordhay. Abiy Ahmed ayaa horay ula tacaalayay sidii uu qoomiyadaha wadanka isugu wadi lahaa iyo cadho ka dhalatay in doorashada dalka dib loo dhigo. Waxaa kale oo uu ra’isulwasaarahu dareemayay culayska diblamaasi ee ku aadan muranka biyo-xidheenka Nile. Waxaa intaas u dheer TPLF oo mar kasta ahayd qodax ku taagaan.

Qoomiyada Oromada iyo siyaasiintooda ayaan saadalin karin natiijada ka dhalan karta in Abiy Ahmed kacdoon lagu rido taaso ku kalifaysa inay aad u taxadaraan, laakiin waxaa adag inla xakameeyo malaayiin dhalinyaro Oromo ah oo uu ku jiro dareen qoomiyadeed islamarkaana u badan dad shaqo la’aan ah oo diyaar u ah inay naftooda biimeeyaan.

Dilka fanaanku wuxuu horseedi karaa isku dhac dhanka qoomiyadaha iyo dhiig kale oo daata, hasayeeshe waxay wax badan ku xidhan yihiin sida xukuumadu u maareyso cadhada ka dhalatay toogashada fanaanka.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews