berberatoday.com
Shan Arrimood Oo Madaxda Maamul Goboleedyada Ay Ka Hadleen Shirkooda Dhuusamareeb
July 12, 2020 - Written by Berbera Today

Waxa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug, shirka wada tashiga madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya oo ay kaga wadaxaajoonayaan arimo ay ka mid yihiin doorashada Soomaaliya oo ay u badan tahay in aanay ku qabsoomi doonin xilligii loo qoondeeyey sida ay sheegtay gudida doorashooyinka Soomaaliya.

Shirkan madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa imanaya iyada oo baarlamaanka Soomaaliya ee heer federaal uu mudadii la doortay ku egtahay bisha Nofeembar ee sanadkan. Dhawr bilood ka dibna waxa dhammaanaya mudada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ah ayaa doonaya in la helo xal la isla ogolyahay oo doorasho lagu qaban karo, halka xukuumadduna ku adkeysanayso qaab doorasho oo dastuurka waafaqsan kaas oo ah doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Hadaba shirkii maanta dhacay ayaa qodobka ugu muhiimsan ajendayaashiisu ahaa doorashada dalka iyo sida ugu haboon ee loo qaban karo. Waa kan nuxurka khudbadihii ay halkaa ka jeediyiin madaxdii isugu timi iyo arimihii ugu mudnaa ee ay ka hadleen ba.

Doorasho xor iyo xalaal ah

.

Ujeedooyinka shirkan wada tashiga ah ee ay madaxdu isugu yimaadeen ayaa waxa ugu mudnaa in la helo hanaan doorasho xor iyo xalaal ah oo la isla qaato. Sidaa waxa sheegay madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, oo isagu gogosha fidiyey kuna dadaalaya in wax la isla meel dhigo oo heshiis laga gaadho habka iyo hanaanka doorasho dalka Sooomaaliya looga qaban karo.

“Walaalayaan bishaan oo aan galnay qaybta dambe ee sannadka 2020 ma jiro ajende qaran oo ka mudnaan badan in is afgarad laga gaadho doorasho heer federaal taas oo ay wakhti kooban ka hadhsantahay mudo-xileedka hay’adaha dastuuriga ah. Mudanayaal iyo marwooyin, ujeedada gogosha Galmudug waxay ku salaysantahay in madaxweyneyaasha dawladaha xubinta ka ah dawlada federaalka Soomaaliya ay uga wada tashadaan hanaan doorasho oo xor iyo xalaal ah. Taas macnaheedu ma ahan in taladu inaga inagu kooban tahay, sidaa darteed mudanayaal iyo marwooyin Galmudug waxay u aragtaa in iskaashiga dhex mara dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka ahi tahay mid dastuuri ah isla markaana lagama maarmaan u ah taabbo gelinta himilooyinka qaran iyo hawlaha culus ee dalka horyaala sida dhamaystirka dastuurka, dimuqraadiyeynta la dagaalanka argagixisada, dhismaha ciidan qaran, dib u dhiska dalka iyo horumarinta dhaqaalaha.” Ayuu yidhi madaxweyne Qoorqoor oo qeexayey ujeedada shirka.

Suurto gal ma aha doorasho hal qof iyo hal cod ahi

Dhanka kale madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni, oo isna madasha khudbad ka jeediyey ayaa sheegay in aanay suurto gal ahayn in haatan la qabto doorasho hal qof iyo hal cod ah sidaas awgeedna ay lama huraan tahay in la yeelo wixii aan laga fursanayn ee ah xal laga gaadho xaaladda taagan.

“Dhamaan madaxda dawlada federaalka oo aan halkan fariin uga dirayaa. Shirkan waa shaqo madaxda dawladda federaalka loo qabanayo. Waa dawladihiinii aad madaxda u ahaydeen waa dalkiinii dadkii masuulka idiinka ahaa. Waxay ka hadlayaan waxa weeyi waa hawlo ay rabaan inay idiin fududeeyaan sidii dalka uu hore ugu socon lahaa. Waxaan ku rajo waynahay in doorasho wakhtigeeda ku dhacdo, si nabad ah ku dhacdo natiijo lagu wada faraxsanyahay oo lagu wada qanacsanyahay ay ka soo baxdo dalkuna uu marxalad labaad ugu gudbo. Mida quruxda badan ee qof iyo codka ah waynu gaadhi doonaa hadii Ilaahay ka dhigo, laakiin maanta ma bilna mar hadaysan bilnayn wixii aan ka badin wayno aan ka tashano aan aqbalno, wixii aad haysatid baa la iimaansadaaye wixii aan kari karno aan iimaansanno hadba inta aan kari karno” ayuu yidhi madaxweyne Deni.

.
Qoraalka sawirka,.

Dawladda Federaalku way sheegtay in doorashu ku iman doonto talo guud

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Maxamed Xasan Lafta-gareen, oo isna madasha khudbad ka jeediyey ayaa tibaaxay in dawladda federaalka madaxdeedu hore ayay u sheegeen in doorashadu ku dhici doonto wakhtigeeda isla markaana ay ku iman doonto talo guud oo ay dadka Soomaaliya ay yeeshaan.

“Doorashaaa dhici doonta, sidii caadada ahayd bay u dhici doontaa. Doorasho ay dadka Soomaaliyeed oo dhan ay heshiis ku yihiin oo sida ay madaxda dawladu sheegtay, golaha wasiiradu ku baaqeen madaxweynahana uu soo dhaweeyey oo uu ku taageeray weeye doorashada dhici doonta oo aan rabnaa hadii Ilaahay yidhaahdo.” Ayuu yidhi Lafta-gareen oo aad mooddo inuu si taxaddar leh uga aragti duwanaa madaxda kale.

Dawlad Goboleedyadu xaq ayay u leeyihiin in ay tashadaan

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, Axmed-madoobe, oo isna hadal ka jeediyey shirka ayaa sheegay in ay mudan tahay in la garowsado in dawlad goboleedyadu yihiin qaybo ka mid ah federaalka Soomaaliya sidaa awgeedna la aqbalo in ay xaq u leeyihiin in ay wada tashadaan dawladda federaalkuna ogaato in taladu ka dhaxayso iyaga iyo iyada.

.

Tabashada Banaadir

Dhanka kale madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa isna waxa uu khudbadii uu jeediyey ku soo hadal qaaday metelaadda gobolka Banaadir ee golayaasha baarlamanka, isaga oo carrabka ku dhuftay in aan la dhayalsan tabashooyinka shacabka gobolkaas.

Waare wuxuu sheegay in hadii waxyaabaha ay tabanayaan dadka gobolkaasi si niyad sami ah loo maarayn waayo ay dhici karto in wax badani qaldami doonaan. Waxaanu isaga oo ka hadlaya waxyaabaha ka suurto geli kara shacabka gobolkaas yidhi:

“Waxaa ka suurto gala in ay dawladnimada ka cago jiidaan oo ay cashuurta iyo tacaamulka dawladda ka cago jiidaan, oo shacbi madluumiin ah oo dhibaataysan dawladi kor fuushay inuu noqdaa ka suurto gala. Waxaa ka suurto gala in weelku buuxsamo oo biyaha daadiyo.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews