berberatoday.com
Haweenay Oo Utarmaysa Hoggaanka Ururka Ganacsiga Adduunka
July 12, 2020 - Written by Berbera Today

New York(Berberatoday.com)-Todobaaddo uun ka dib markii agaasimaha guud ee ururka ganacsiga adduunka ee WTO, Roberto Azevedo, sida lama filaanka ah u shaaciyey is casilaaddiisa, ayaa waxa soo baxay in diblomaasiyadda reer Kenya ee wasiirkana ah, Aamina Maxamed ay ka mid tahay musharaxiinta ugu cadcad kuwa u tartamaya in ay bedelaan.

Go’aanka Azevedo kaga tagayo jagadaa heerka caalami ah bishan Ogost ee foodda inagu soo haysa, iyada oo mudado-xileedkiisu ku ekayd Ogost 2021, ayaa dhaliyey tartan adag oo loo galo jagadaas, xataa iyada oo ay taagan yihiin dhibaatooyin adag oo ah dagaal ganacsi iyo cudur saf mar ahi.

Bishan Juulaay 7 deedii ayaa Jamhuuriyadda Kenya gudbisay warqadda musharaxnimada danjire Aamina Maxamed oo ah in tartamayso jagada agaasimaha guud ee ururka WTO.

Ururka WTO shaqadiisu waxa weeyi inuu kobciyo ganacsiga dunida si ay uga wada faa’iidaystaan dalalka dunida oo dhami. Waa ururka keliya ee fidiya gogol gaar ah oo lagaga wada xaajoodo ganacsiga sidoo kalena lagu xaliyo khilaafaadka ganacsi ee soo dhex gala dalalka xubnaha ka ah.

“Maadaama oo Kenya tahay dal si dhab ah u rumaysan xoojinta ururada caalamiga ah, waxaan aaminsannahay in ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo in boodhka laga tumo ururka WTO si uu dhamaan qaramada oo dhan baahiyahooda uga shaqeeyo, ha yaraadeen ama ha weynaadeene. Waxaanu sidoo kale rumaysannahay in haatan ay tahay goortii ay Afriki qaadan lahayd masuuliyadda ay mudantahay ee ah in ay hogaanka u qabato WTO” ayaa lagu yidhi warbixin ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Kenya.

Danjire Aamina Maxamed
Qoraalka sawirka,Danjire Aamina Maxamed

Aamina qudheeda oo ka hadashay damaca ha kaya jagadaas oo dhawaan waraysi siisay wargeyska Financial Times ee dalka Ingiriiska ka soo baxa, ayaa waxay tidhi “waxa loo baahanyahay qof leh waayo aragnimo ku haboon shaqadan, qof u heellan hirgelinta waxa dunidu wada leedahay, laakiin sidoo kalena leh maqaam siyaasadeed si uu u noqdo qof wax isku duma oo suurto geliya in la isku tanaasulo.”

“Hadii qofka tilmaamahaa lihi noqdo qof Afrikaan ah ama haweenay, waxay ila tahay inuu miisaan gaar ah sii yeelanayo. Waa lagama maarmaan in ururku noqdo mid xubnaha oo dhami ka wada muuqdaan oo ay cadaato in dalalka xubnaha ka ahi garawsadaan in qayb kasta oo dunida ka mid ahi ay wax tar togan u yeelan karto hadii ay hogaanka u qabato WTO”, ayay intaa ku dartay.

Aamina waxay ka dhalatay qoys Soomaalida-Kenya ah oo waxa ay ku dhalatay magaalada Kakamega Oktoobar 1961, waxaanay muddo dheer ka soo shaqaysay diblomaasiyadda dalkaas markii dambena waxa ay xukuumadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta tan iyo sannadkii 2013-kii ka haysay xilalka wasiirka arimaha dibadda, ka waxbarashada iyo haatan oo ay tahay wasiirka ciyaaraha.

Kenya oo ganaaxeysa dadka faafiya wararka beenta ah ee ku saabsan Corona

Madaxweynaha Kenya oo ka jawaabay codsi uga yimid ilma yar oo xanuunsan

Markii ay ka qalin jabisay Jaamacadda Kiev oo ay ku baratay sharciga, ayaa Aamini waxa ay ka mid noqotay shaqaalaha dawladda Kenya oo ay ka bilawday sarkaal dhanka sharciga ah sannadkii 1985. Shan iyo tobankii sano ee xigay waxa ay ka shaqaynaysay waaxda diblomaasiyadda Kenya oo waxay xilal door ah ka soo qabatay kana soo shaqaysay Geneva iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Intii u dhaxaysay 2000 ilaa 2006 waxay danjire Aamina Maxamed soo qabatay xilal kala ah safiir, madaxa ergada diblomaasiyadeed ee Kenya ee Geneva waxaanay sidoo kale gudoomiye ka noqotay waaxda Afrika ee xuquuqda aadanaha ee WTO.

Waxa ay sidoo kale noqotay haweenaydii ugu horraysay ee gudoomisa shirweynaha guud ee WTO sannadkii 2005.

Ka dib markii ay muddo gaaban ka shaqaynaysay xukuumaddii labaad ee Madaxweyne Mwai Kibaki, ayaa waxa Aamina loo magacaabay ku xigeenka agaasimaha guud ee hay’adda deegaanka Qaramada Midoobay ee UNEP.

.

“Kenya waxay soo sharaxaysaa Aamina Maxamed oo ah qof si gaar ah ugu qalma in ay hogaamiso WTO xilligan adag ee lagu jiro. Hadii la doortona waxay noqon doontaa qofkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah iyo run ahaantii haweenaydii ugu horraysay ee hogaanka u qabata ururka ganacsiga adduunka WTO. Wasiir Aamina way garanaysaa WTO waxaanay fahamsantahay sida uu u shaqeeyo, maadaama oo ay hore u guddoomisay shirarka heerka sare ah ee go’aannada lagu gaadho ee ururka sida shirka wasiirrada, shirweynaha guud, waaxda xallinta khilaafaadka iyo sidoo kale waaxda dib u eegidda siyaasadda ururka.” Ayaa lagu sheegay warbixinta uu soo saaray Madaxweyne Kenyatta.

Madaxweyne Kenyatta oo shaacinaya musharraxnimada danjire Aamina Maxamed

Ma aha markii ugu horraysay ee Kenya u ololayso in ay Aamina xil ka qabato ururka WTO. Sannadkii 2013 waxa ay ka mid ahayd musharaxiintii la tartamay ee uu ka guulaystay Azevedo. Sannadkii 2017 ayaa hadana maamulka Kenyatta waxa uu sidoo kale Aamina u sharaxay in ay noqoto gudoomiyaha ururka Midowga Afrika si ay u bedesho gudoomiyihii xilka ka degayey ee reer Koonfur Afrika, Nkosazana Dlamini Zuma, laakiin waxa ka guulaystay Moussa Faki Mahamat oo reer Chad ah.

Ka hor is casilaadda agaasimaha guud ee ururka, Azevedo waxa soo baxayey warar sheegayey in dawladda Ingiriisku u ololaynaysey in Aamini bedesho xog-hayaha guud ee ururka Patricia Scotland.

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews