berberatoday.com
Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Xiisadda Dublamaasiyadeed Ee Ka Dhalatay Xidhiidhka Taiwan.
July 12, 2020 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay xiisadda dublamaasiyadeed ee ka dhalatay xidhiidhka ay la samaysay Taiwan, socdaalka arintan la xidhiidha ee la sheegay in Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya uu ku imanayo Somaliland iyo wakhtiga dib loo bilaabayo wada-hadallada Jabuuti.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Xukuumad ahaan waxay kala socdaan Masuulka la sheegay in Kenya u soo magacaabayso Xafiiska Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi “Waa dhab oo Taiwan waxaynu wada galay heshiis oo iskaashi ayeynu yeelanay, iskaashigaas aynu yeelayna waxaa xaqiiqo ah in siyaabo kala duwan loo arkay oo Wadamada qaar soo dhaweeyeen, halka Soomaaliya iyo Chine-na ka xanaaqeen, laakiin inagu waxaynu nahay dal xor ah oo aan dal kale danihiisa u daba fadhiyin, dal ahaan iyo dawlad ahaan meel kasta oo aynu dan u aragno, xidhiidh baynu la samaynaynaa, oo talaabo kasta oo aynu ku gaadhayno ictiraafkeena weynu ku dhaqaaqaynaa”.

Mar aanu wax ka weydiinay waxaa ka jira in socdaal uu dalka ku imanayo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa ku jawaabay “Safiirku hore dalka wuu u yimid, marka uu imanaya wuu nala soo socodsiin jiray, laakiin ilaa hadda socdaal uu na soo ogeysiiyey oo dalka uu ku imanayo ma ogin, haddii uu na soo ogeysiiyo oo uu dalka yimaaddana waxaanu eegi doono wuxuu la yimaaddo”.

Mar uu wax ka weydiinay wakhtiga dib loo bilaabayo wada-hadallada Soomaaliya ayaa wuxuu yidhi “Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee hore u furmay, dib ayaa loo bilaabo doona toddobaadka dambe ayaanu furmi doonaa Iisha Allaahna halkii ay markii hore wada-hadalladu taagnayeen ayaa laga sii amba qaadi doona”.

Wasiirka oo Geeska Afrika waydiiyey Xukuumad ahaan waxay kala socdaan in Dawladda Kenya Xafiiskeeda Somaliland u soo magacaabi doonto Masuul dhalasho ahaan Soomaali ah ayaa ku jawaabay “Ma hubo arintan iyo magacaabistan, laakiin waxaa xaqiiqo ah in labada dal ay xidhiidh fiican leeyihiin, xidhiidhkaasina uu sii xoogaysto ayaanu diyaar u nahay, masuul kasta oo ay Somaliland u soo magacaabaan wada shaqayn fiican ayeynu yeelan doonaa”.

Mar aanu wax ka weydiinay waxaa ilaa hadda hor taagan aqoonsi ay Somaliland ka hesho Caalamka ayaa ku jawaabay “Waxaynu Caalamka xaq ugu leenahay inaynu helno Ictiraaf, maxaa yeelay waxaynu nahay dal jira oo himilooyin fara badan leh, Dawlad ahaana wey naga go’an tahay inaynu xoojino nidaamkeena Dawladnimo iyo inaynu Caalamka ka dhaadhicino qaranimadeena, iyo mawqifka shacabkeena, Madaxweynaheena Jahmuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi-na, waa kii si xeel dheer u soo bandhigay jiritaankeena Dawladnimo iyo inaynu Caalamka xaq ugu leenahay Aqoonsi iyo Ictiraaf caalamiya”

 

 

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews