berberatoday.com
Haween U Midoobay Si Ay Ula Dagaallamaan Madaxweyne Tladana Ugala Wareegaan
August 5, 2020 - Written by admin

La kulan saddexda haween ee noolashooda khatarta u gelinaya siyaasad dardeed.

Svetlana Tikhanovskaya, Veronika Tsepkalo iyo Maria Kolesnikova ayaa u midoobay inay hogaamiyaan xisbi mucaarad ah oo doorashada madaxweynaha ee bisha dambe ee ka dhaceysa dalka Belarus.

Haddii ay guuleystaan, taasi micnaheedu waxay tahay in Tikhanovskaya ay noqoneyso Madaxweyne.

Waxay go’aansatay inay tartanka kala wareegto ninkeeda Sergei Tikhanovsky – ka dib markii la xukumay oo laga xannibay in uu tartamo. Waxay hanjabaado kaga timid maamulka halkaa ka jira, inay caruurteeda yar ka kaxeeyaan haddii ay sii waddo olalaha, hasayeshe wali kama aysan quusanin.

Waxay isbahaysteen Veronika Tsepkalo oo iyadana seyigeeda Valery sidoo kale laga mamnuucay inuu u tartamo madaxtinimada – iyo Maria Kolesnikova, oo ah afayeenka musharrax Viktor Babaryko oo isna la xiray.

Muxu yahay Hadafkooda? Waxay doonayaan inay ku guuleystaan doorrashada dhici doonta 9-ka August si ay xilka ugala wareegaan Alexander Lukashenko

‘Waa Xasas, Hoyooyin iyo shaqaalaha guriga’

Yana Vishnevskaya oo ah falanqeeyaha BBC-da ee Belarus ayaa yiri “Waxa ka dhigaya saddexdaan haween waxa ugu xiisaha badan waa waxyabaha sababay inay siyaasadda ku soo biiraan”.

Waxay sheegtey in ku dhawaad 30-kii sano ee uu xukunka hayey, Madaxweyne Lukashenko dalkaasi uu ku faafiyay farriin ah in doorka haweenka ee Belarus ay tahay inay noqdaan oo kali ah “xaasas, hooyooyin iyo ilaaliyayaasha guryaha”.

Mr Lukashenko – oo markii ugu horreysay la doortay bishii Luulyo 1994 isla markaana hadda raadinaya in markii 6-aad la soo doorto ayaa dhowaan sheegay in reer Belarus aysan “diyaar u ahayn inay u codeyaan qof dumar ah” iyo in “dastuurku uusan ahayn mid u xaglinaayo dumarka”.

Balse hadalkaas ayaa waxa uu dhaliyay carro aad u weyn.

Wuxuna maalmo kadib ku qasbanaaday inuu sharaxo hadalkaasi oo wuxuu sheegay ineysan ka ahayyn ixtiraam darro.

“Dastuurkeenu wuxuu u qoran yahay qaab ay ku adag tahay xitaa nin inuu qaado culeyskan. Hadii an culeyskan aan saarno haweeney, way burburaysaa maskiinta,” ayuu yiri madaxweynaha Lukashenko.

Siyaasadda cusub ee Belarus?

Midoowga ay hogaaminayaan Svetlana Tikhanovskaya, Veronika Tsepkalo iyo Maria Kolesnikova ayaa tarikh ka dhigay dalka Belarus.

Sawirka saddexda haween ee u ololeynaya si wada jir ah ayaa “astaan u ah mucaarad cusub oo ka soo horjeeda madaxweye Alexander Lukashenko,” ayuu yiri Lyushnevskaya.

Waxa laga yaabaa in lagu tilmaamo dad siyaasadda ku cusub balse dhamaantood waxay leeyihin khibrad siyaasadeed.

“Sayigeyga Sergei Tsikhanovsky dadka ayuu mideyay , anagana waxaan go’ansanay inaan midowno si aan uga gun gaarno hadafkeena,” ayey Tikhanovskaya ku tiri khudbadii ay jeedisay markii ugu horeysay ee ay ka soo hor muuqato shacabka.

Sergei, oo ahaa dadka wax ku qora bogagga ayaa laga mamnuucay inuu u tartamo xilka madaxtinimada, wax yar kadibna waxa lagu eedeyay inuu qorsheeyanayay dibadbaxyo rabshada wata, wana la xiray.

Hadii ay Tikhanovskaya guuleysato waxay sheegtay inay qaban doonto doorasho xor iyo xalaal ah, sidoo kalena ay siideyn doonto dadka siyaasadda u xiran, dibna ay u soo celin doonto sharcigii 1994 dalkaasi ka jiray kaas oo xaddidayay inta jeer ee uu madaxweyne xilka u tartami karo.

Rajada mustaqbaka

Veronika Tsepkalo, oo ah xaaska Valery Tsepkalo oo loo diiday inuu isasoo sharaxo ayaa fikirkaas aaminsan.

Seygeeda, oo hore u ahaa safiirka Mareykanka, ayaa mar lagu tilmaami jiray inuu yahay mid ka mid ah kuwa la tartami karo madaxweyne Lukashenko, laakiin wuxuu ka mid ahaa sagaalka murashax ee guddiga doorashada ee Belarus u arkeen inaysan ku habooneyn inay u tartamaan xilka madaxtinimada.

Intii lagu guda jirey isu soo bixii ka dhacay Minsk, Veronika Tsepkalo waxay ku eedeeysay Madaxweyne Lukashenko hoos u dhaca tirada dadka Belarus.

“Dhallinyaradeena waxay aadayaan dibada, iyagoo raadinaya nolol wanaagsan, sababtoo ah halkaas ayaa ah xorriyad,” ayay tiri.

“Waxaa jirta xorriyadda hadalka, lacag fiican, iyo tan ugu muhiimsan, waxaa jira rajo, taas oo ay dadka reer Belarusiya halkan ku haysanin, Waxaan rabnaa inaan badalno taas,” ayay tiri Tsepkalo.

Xaladda Maria Kolesnikova wey ka yara duwantahay tan dumarkan kale.

Waxay ahayd afayeenka musharaxa madaxweynimada Viktor Babaryko, oo ah nin ka shaqeynaayay bangi caan ka ah dalka Belarus, waxana loo arkayay inuu yahay ninka ugu adag kuwa la tartamayo Mr Lukashenko.

Laakiin waxa lagu qasbay inuu ka baxo tartanka, ka dib markii lagu xukumay eedeymo musuqmaasuq iyo khiyaano qaran, waxay go’aansatay inay booskeeda ka baxdo oo ay ku biirto ololaha dumarka ay wadaan.

Waftiga Midowga Yurub ee ku sugan Belarus ayaa sheegay in go’aamada ay qaadanayaan Guddiga Doorashada “ay wiiqayaan jiritaanka guud ahaan iyo dimoqraadiyada doorashada ee dalkaas”.

In kasta oo ay saddexda haween ahi ka kala yimaadeen xisbiyo kala duwan oo madax-bannaan, haddana waxay wadaagaan siyaasado muhiim ah sida dibuhabaynta siyaasadeed, la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo dhiirrigalinta hadalka xorta ah.

Loolan adag

Lyushnevskaya oo la shaqeeysa BBC Monitoring ayaa sheegtay in ololaha seddexda haween ay ka abuureen xamaasad wadan inta badan lagu tilmaamay inaysan xiiseyneynin siyaasadda, laga yaabee inay sabab u noqdaan soo afjaridda eedeymaha la xiriira codbixinta iyo musuqmaasuqa doorashada oo sannado badan dalkaas ka jiray.

Balse Lyushnevskaya waxay qirsantahay inay jiraan walaac laga qabo in dumarkan isbaheysatay ee mucaradka ah ay guuldareysan doonaan.

Si kasta oo ay ahaato natiijada, ololaha dhammaan dumarka ayaa runtii keenaya heer midnimo dhif ah oo lagu arkay siyaasadda Belarus.

Xigasho BBC-Somali.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews