berberatoday.com
Qarax Khasaare Badan Sababay Oo Gilgilay Caasimadda Lubnaan Ee Beirut
August 5, 2020 - Written by admin

Beirut(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 50 Ruux, ayaa ku dhintay, 2,750 qof oo kalena way ku dhaawacmeen Qarax weyn oo ka dhacay magaalo madaxda Lubnaan ee Beirut, iyadoo la filayo xukunka dadka loo hayo dilka Raysal wasaarihii hore ee dalkaasi ee Rafik Hariri oo 2005-tii la dilay.

Wararka, ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhacay agagaarka dekadda magaalada. Waxaa jira warar kale oo aan la xaiijin oo tibaaxaya inuu dhacay qarax kale, illaa haatanna ma cadda waxa sababay qaraxyadaasi. Waxaa illaa haatan la sheegay inay ku dhineen 50 qof, halka 2,750 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay faafiyeen wakaaladaha wararka ee dunidu.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinaya qiiq cirka isku shareeyay iyo qasaaro baahsan.

Waxaa la filaya in maxkamad la soo taago afar eedeysane oo loo haystoo dilka Raysal wasaarihii hore ee dalkaas Rafiiq Xariri.

Dhammaan afarta xubnood, ayaa waxay ka tirsan yihiin ururka Xisbullaah oo ay Iran taageerto, kuwaasi oo markasta iska fogeeya iney ku lug leeyihiin dilka Xariri. Iyaga oo aan joogin ayaa dambiga lagu qaaday, go’aanka maxkamadana waxa uu soo baxayaa Jimcaha.

Waxaa kale oo lasoo werinayaa qarax kale oo la sheegayo iney suurogal tahay inuu ka dhacay dhismaha xariiri ee ku yaalla magaalada.

Wasiirka Caafimaadka ee Lubnaan, Hamad Hasan ayaa sheegay iney jiraan dhaawacyo badan iyo khasaare baaxad leh.

aftermath of blast in Beirut

Dhanka kale, ilo wareedyo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegeysa in 10 qof oo meyd ah laga soo saaray burburka dhismaha.

Wararkan ugu dambeeyay ayaa soo baxay iyadoo Lubnaan dhawaanahan ay ka taagnayd xasarad siyaasadeed. Waxaa dalkaasi hareeyay dibadbaxyo looga soo horjeeday dhaqaale xumadii ugu darnayd tan iyo dagaalkii sokeeye ee 1975-1990-kii.

Waxaa sidoo kale maalmahan dhibaato ka taagnayd xadka ay la wadaagto Israa’iil oo toddobaadkan uu ka dhacay isku day ay Xisbullaah ku dooneysay iney gudaha u galaan dalkaas.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews