berberatoday.com
Wasiir Kuxigeenka Arimaha Didaba Somaliland Oo La Kulmay Safiirka Shiinaha Ufadhiya Somaliya Iyo Xogaha Laga Helayso Sobobta Madaxwayne Biixi Ula Kulmi Waayay?
August 5, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arimaha Dibada Jamhuuriyada Somaliland Ayaa La Kulmay Safiirka Dalka Shiinaha Ufadhiya Somaliya Oo Mudo sedex maalmood ah ku Sugan Caasimada Somaliland Ee Hargaysa.

Wararka laga helaya Kulanka ay wada yeesheen wasiirku Xigeenka Arimaha Dibada Somaliland iyo Safiirka dalka shiinaha ufadhiya somaliya danjire Qin Jian ayaa sheegaya in ay wada hadleen sidii ay xidhiidh uwada yeelan lahaayeen somaliland iyo shiinuhu iyadoo safiirka Dalka shiinaha Usoo bandhigay ujeedada socdaalkiisa iyo mawqifka dalkiisa ee ku aadan Qaarada Africa Iyo xidhiidhka ay doonayaan in la yeeshaan Somaliland.

Wasiirku xigeenka Arimaha Dibada Somaliland Mr Liibaan  ayaa  dhankiisa usoo bandhigay mawqifka somaliland iyo kala duwanaanshaha somaliya iyo somaliland.

Majiro war faah faahsan oo kasoo baxay kulan ay wada yeesheen wasiir kuxigeenka arimaha dibada somaliland iyo safiirka shiinaha ee ku sugan caasimada hargaysa.

Dhanka kale xogaha laga helayo sobobta wali Uu madaxwaynaha Somaliland muuse biixi cabdi uqaabili waayay safiirka ka socda dalka shiinaha ayaa sheegaya in ay daba socoto ficilo uu safiirka shiinaha ufadhiya muqdisho uu ku kacay, markii uu soo shaacbaxay xidhiidh diblamaasiyadeed ee Somaliland wada yeesheen dalka tiawan oo dawlada shiinuhu siwayn uga cadhootay halka safiirka wakhtigan Somaliland ku suganina uu xidhiidhka Somaliland iyo tiawan kala kulmay madaxwaynaha maamulka muqdisho farmaajo kaasi oo Somaliland dhinaceeda siwayn uga biyo diiday talaabada uu qaaday wakiilka dalka shiinaha  ufadhiya Somaliya.

Sidoo kale safiirka shiinaha ee hada somaliland socdaalka ku jooga ayaa tiraba dhowr jeer bogo uu ku leeyahay twetreka u baahiyay hadalo cadho ay ka muuqato oo uu kaga soo horjeedo xidhiidhka Somaliland iyo dalka tiawan, isagoo ku celceliyay in aan dalkiisu aqbalaynin xidhiidh ay Somaliland la samayso dalka tiawan oo madaxbanaanidiisa uu kasoo horjeedo dalkiisu,

Hadalada hore uga soo yeedhay danjiraha dalka shiinaha ufadhiya somaliya ayaa la sheegay in ay caqabad ku noqdeen in madaxwaynaha Somaliland ka helo soo dhawayn iyo kulan uu la qaataba.

Xukuumada Somaliland ayaa wakhti xaadirkan umuuqata in ay waxka badal wayn ku samaysay siyaasadii arimaha dibada taasi oo meesha ka saartay in Somaliland uxidh xidhnaato danaha siyaasadeed ee dalal aan jiritaanka Somaliland kasoo horjeeda balse ay hada qaaday dhabaha ah in ay cidkasta oo dano siyaasadeed oo Somaliland udan ahi ka dhexeeyo in ay kusoo dhawaynso gacmo furan halka ay waji kale tustay wadamo badan oo shiinaha iyo itoobiya kamid yihiin oo iyaga siyaasadoodu u Xagliso dhinaca maamula somaliya iyo midnimada wixii laysku odhan jiray Somaliya,halka aanay ahmiyad siinin qadiyada shacabka Somaliland iyo madaxbanaanida ay qaateen taasi oo  keentay in wakhti xaadirkan  Somaliland qaadato siyaasad furfuran oo dhinaca arimaha dibada iyadoo bilihii ugu danbeeyay idhaha caalamku ay siwayn ugu soo jeesteen Somaliland iyo muhiimada bogcada ay ku taalo oo istaraatiiji u ah geeska Africa oo xiligan loolan adag ugu jiraan wadamada quwadaha waawayn ee caalamku!

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews