berberatoday.com
Milyaneer Caan Ka Ah Mareykanka Oo Tuuganimo Darteed Loo Xukumay
August 6, 2020 - Written by admin

USA(Berberatoday.com)-Injineerkii hore ee baabuurta sida iskood isu kaxeeya ee shirkadda tiknolojiyadda ee Google ayaa lagu xukumay 18 bilood oo xabsi ah ka dib markii lagu helay dembi ah in uu xaday xog qarsoodi ah oo ay laheyd shirkadda Google, kahor inta aanu ka tegin shaqada ee uusan ku biirin shirkadda takaasida ee Uber.

Garsooraha maxkamadda San Francisco, William Alsup, ayaa sheegay in Anthony Levandowski “uu sameeyay xatooyadii ugu darneyd ee dhanka xogta”.

Levandowski ayaa kombyuutarkiisa gaarka ah horay ugu sii qaatay 14 kun oo feyl oo ay leedahaya shirkadda Google kahor inta uusan ka tegin shirkadda, bishii Janaayo ee sanadkii 2016-ka.

Levandowski wuxuu markaas ka dib ku biiray shirkadda Uber oo uu kala shaqeeyay mashruuca baabuurta ee Robocar balse waxaa shaqada looga eryay sababa la xiriira eedeyn uga timid Google sannadkii 2017-kii.

Levandowski ayaa sheegay in uu musalafay, sababtoo ah lacag gaareysa $179 milyan oo doollar ayey ka dalbatay shirkad ay bah-wadaag yihiin Google oo lagu magacaabo Alphabet sabab la xiriira ficilada uu sameeyay.

Levandowski oo ka mid ah asaasayaashii mashruuca baabuurta iskood isu kaxeeya ee shirkadda Google ayaa rajeynayay in lagu xukumo xabsi gaaraya 12 bilood oo uu ku qaato gurigiiisa oo ku yaala San Francisco.

Wuxuu ku andacooday in uu qabo xanuunka oof-wareenka, xabsigana uu ugu dhiman karo sababo cudurka corona.

Haseyeeshee garsooraha maxkamadda ayaa sheegay in haddii taas ay oggolaato in ay dhiiragelin u noqoneyso Injineer walba oo uu damac uga jiro in uu xado xogta khaaska ah ee dhanka ganacsiga.

Garsooraha maxkamadda ayaa amray in Levandowski uu xukunkiisa xabsiga ku qaadan karo marka uu yaraado feyraska corona. Dacwad oogayaaha ayaa soo jeediyay in Injineerka lagu xukumo 27 bilood oo xabsi ah.

Levandowski, oo hadda maamule ka ah shirkad ka shaqeysa gawaarida xamuulka ee iskood isku wada ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray wuxuu ku sheegay “in maanta ay dhamaad u tahay saddex sano iyo bar, bilawna u tahay wado horleh”.

Sida ay kusoo warrantay TechCrunch, Levandowski ayaa dacwad ka gudbinaya shirkadda tagaasida ee Uber oo uu ka dalbanayo inay siiso lacag gaareysa $4.1 bilyan oo doollar oo uu sheegay inay ka soo xarootay baabuur uu naqshadeyntooda wax ka sameeyay.

Ninkan oo ka mid ahaa dadka ugu sareeya baabuurta ay soo saarto shirkadda Google, kana faa’iday dhaqaale gaaraya malaayiin doollarna, ayaa sheegay in hantidiisa ay gaareyso inta u dhaxeysa $50 ilaa iyo $100 milyan oo doollar, sidoo kalena lagu leeyahay lacag deyn ah oo gaareysa $500 oo milyan oo doollar.

Kahor inta uusan ka tegin shirkadda Google, Levandowski waxaa uu lacag dhan 120 milyan oo doollar ka helay shirkadda oo uu u nashqadeeyay sameynta baabuurta iskood isu wada.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews