berberatoday.com
Taliyihii Ciidanka Madaxtoyada Puntland Oo Dablay Ku Khaarajisay Gaalkacyo
August 10, 2020 - Written by admin

Gaalkacyo(Berberatoday.com)-Taliyihii Ciidanka Madaxtoyada Puntland Gaashaanle Sare Cismaan Cumar Maxamed, ayaa ku dhintay howlgal Ciidammada Puntland ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ka dib markii Malleeshiyo hubaysan oo muddo haysatay Xerada Kabista oo ciidanku subaxnimadii Axadda qabsadeeen.

Habeennimadii xalay, ayaa ciidanka Amniga ee gobolka Mudug hawlgal ay ka sameeyeen Xerada Kabka ku soo qabteen Khamri badan iyo 8 qof oo ka ganacsanaayey iyo hub, iyadoo Xerada Kabka, ay ahayd halka ugu weyn ee kooxaha daroogadu ay saldhigga ka dhigteen, isla amrkaana suurtageli weydey in laga saaro muddo badan.

Ciidanka Madaxtooyada ayaa subaxnimada saakey ah tegey xerada kabka oo ay dib ugu soo noqdeen kuwii xaley laga saarey, waxaana ay halka ka cayriyeen malayshiyaadkii, kadib waxaa goobta yimid maamulka gobolka iyo qaybo ka mid ah saxaafadda, markii maamulka gobolka meesha ka tegey.

Hase-yeeshee, wax yar ka dib waxaa yimid gaadhi kale oo Malleashiyaadkii Xerada haysan jirey wateen, waxaana ay rasaas ku fureen ciidanka madaxtooyada oo weli ku sugannaa goobtaas.

Waxaa isla goobtaas ku dhaawacmey Col. Cismaan Cumar Maxamed Taliyihii ciidanka watey, waxaana uu u geeriyoodey dhaawicii soo gaadhey wax yar ka dib markii Cusbitaalka la geeyey.

Sidoo kale, weerarkaas Malleeshiyada hubaysani dib u soo qaadeen, waxaa ku nafwaayey Askeri kale oo ka tirsanaa ciidanka madaxtooyada, waxaana ku dhaawacmey weerarkaas illaa afar Askeri oo kale.

Xerada Kabka waxa hore uga dhacay dagaallo badan, bishii Diseember 2018 iyada oo maamulkii markaas jirey doonaayey in uu gado xerada ayaa waxaa ku dagaalamay, laba malayshiya oo ka soo kala jeeda qabiilada dega gobolka Mudug

Col. CIsmaan Itoobiyaan, ayaa hore uga soo shaqeeyey ciidanka Dowaldda federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland, ayaa bishii May 2020 u magacaabey xilka Taliyaha ciidanka madaxtooyada ka dib markii Taliyihi hore is casiley.

Allaah ha u naxariistee Cismaan Cumar Maxamed, ayaa muddo kooban hayay xilka Taliyaha Ciidanka madaxtooyada Puntland, waxaana Qoyska, ehelada, qaraabada, Asxaabta iyo Ciidanka Puntland-na geeridiisa ka tacsiyadeeyey, Madaxweynaha Puntland iyo Maamulka Mudug ee Puntland

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews