berberatoday.com
Xildhibaan Sheegay In Murannada Dhulka Ee Dalka Taagan Ay Qayb Ka Yihiin Dad Liisamo Loo Siiyey Macdan Baadhis
August 10, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Xildhibaan Sahal Iidle oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay dhibaatada ay Amniga dalka ku hayaan Murannada ka dhasha dhulka, dhulka uu sheegay in hadda loo bixiyo hab ka duwan sidii hore oo ah in macdan laga baadho.

Xildhibaan Sahal Iidle oo ka hadlayey Xarunta Golaha Guurtida ayaa ugu horrayn ka warramay dhibaatada Muranka dhulku ku hayo dalka, taasi oo ay qayb ka tahay Dad Liisamo loo siiyey inay baadhaan Macdan, laakiin marka Liisanka la siiyo ka dib arrinoodu Qabyaalad isku beddelo.

Xildhibaanka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxyaabaha Nabadgalyada saameeya waxa ka mid ah isku qabsiga dhulka, Dhulkana waxa jira (oo uu leeyahay) xeer la yidhaahdo Xeerka dhulka, Xeerkaas baad mooddaa inaan aad loo dhaqan-gelin, haddii Xeerkaa dhulka Lahaanshihiisa iyo Mulkigiisa sidiisa loo dabaqo is-qab-qabsiga dhulku wuu yaranayaa.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay “Dhulka Ilaahay baa leh, Ilaahay ka sakowna Dawladda ayaa dhulka ka masuul ah, Shacabkuna siduu ku mulkiyi karo Dastuurka iyo Xeerkuba wuu sheegay, markaa waa siyaasadda Dawladda ee dhulka, markaa waa in shacab iyo Dawladba Xeerkaa dib loogu soo noqdaa oo lagu dhaqmaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ta labaad waa Macdanta, waxaad mooddaa in imika Dadkii loogu sheegay in dhulka Macdan ku jirto, Dabadeedna Buuro iyo Banaanba waalla iska ootay, halkaana muran badan baa ma jira.  Macdanta iyo Baatroolku waa isku mid, imika Qof Shicib ahi intuu Batroolka liisan u qaato ma odhan karo halkaasaan Baatrool ka baadhanayaa, waa waxyaabaha ay tahay Dawladdu inay Gacanta ku hayso, waana khayraadka la doonayo in Ummadda oo dhami ka wada faa’idaysato, Dawladda ayaa baadhi karta oo soo saari karta.”

Xildhibaan Sahal waxa kale oo uu sheegay “Waxaad mooddaa in Shirkado yaryar oo Qof Qof iyo laba laba Qof leeyihiin oo weliba Qabaa’il ah inta liisamo loo siiyey Dhul, dabadeedna ay halkaa ka bilaabantay reer Hebel baa dhulkaa haysta oo Liisan loo siiyey, xitaa dhulkii ay Xooluhu daaqayeen baa laga ootay, waxaana soo socota inaan maalin dhow la helin meel neef xoolo ah lagu foofiyo, markaa anigu waxaan odhan lahaa Shidaal baadhista, Macdan baadhista iyo Qodisteeda waa inay Dawladda uun Gacanta ku haysaa, hana la joojiyo Shakhsiyaadkan 8 Higtar, 10 higtar, 50 Higtar Mulkiyad la yidhaahdo Macdan Sahamin inta loo siiyo, dabadeedna la reer Hebelaynayo, waxyaabaha dhibaatooyinka ugu badan ka taagan yihiin waa dhulka, Waayo? waxaan la ogayn baa lagu sheegay oo waxa la yidhi ‘Macdan baa ku jirta’ oo reer Hebel baa leh oo Hebel baa liisan u haysta, reerihii kalena mid walba wuxuu doonayaa in isagana loo xidho, waxaan leeyahay Arrintaa deraasad ha laga sameeyo, Waayo? waa ka mid ah waxyaabaha amniga khalkhalinaya.”ayuu yidhi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews