berberatoday.com
“Waa Inaan Siyaasad Iyo Hadaf Ka Dhigano Xuquuda Nebi Muxummad CSW Innagu Leenahay….” Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.
September 19, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sh Muxammad Sh Cumar Dirir ayaa bulshada ugu baaqay inaynu siyaasad iyo hadaf ka dhigano Xuquuda Nebi Muxummad CSW innagu leenahay, si madmadowga la baahinayo looga baxo.

Khudbadii Jimcaha maanta oo u kaga hadlay xuquuqda Nebi Muxammad CSW innagu leeyahay iyo sida loogu baahan yahay inaynu uga soo baxno ayuu ku sheegay Rasuulku CSW cidduu u naxariisanayey ma hayn basharka islaam iyo gaalo keliya, waxuu u naxariisanayey xitaa xawayaanka.

Sidaa daraadeed waxa lagama maarmaan ah inaynu barano, ubadkeena ku rabayno madaarista dhiganaya iyo ehelka jacaylka Rasuulka CSW.

Sheekh Muxummad ayaa sheegay inuu bayaamin doono 13 qodob oo ka mid ah xuquuqda Nebi Muxummad CSw innagu leeyahay, loona baahan yahay inaynu baranno, innagii Ilaahay SW ugu dhowaanayna, kuna caabudayna,

Rumaynta Risaaladii Nebiga CSW, ogaano inuu Ilaahay SW soo diray.

Inaynu Nebiga CSW ka talo qaadano, oo aqbalno, sharcigiisana, ka inna dhaqaya, ee aynu raacayno ka dhiganno.

Inaynu Rasuulka CSW jeclaano, si ka badan ubadkeena, ooryaheena, waalidkeen iyo ummada, siduu xadiis inoogu sheegay Nebigu CSW macnahiisu ahaa “Midkiin Iimaan dhamaystiran yeelan mayo ilaa aan annigu dhinaca jacaylka kaga horeeyo ehelkiisa iyo ummada oo dhan”

Xuquuqda Nebiga CSW wax aka mid ah innaynaan ku xad-gudbin, sida aynu u leenahay jeclaada oo weyneeya, innaynaan dhaafin basharnimada iyo Rasuulnimada, taasoo dhibaato inoo keenaysa iyo xad=gudub aan u geysanay Nebiga CSW.

In loo hiiliyo Nebiga CSW haduu noolaa oo lagu xadgudbo iyo haduu dhintay labadaba, siduu Ilaahay SW aayad inoogu sheegay “ Hadii aydaan u hiilin Nebiga CSW, Ilaahay ayaa u hiilin..”

Inaynu risaaladiisa ummada sii gaadhsiino, siduu Nebigu CSW xajkii u dambeeyey u faray ummada “Iga gaadhsiiya, xitaa aayad keliya..”

Xuquuqdiisa wax aka mid ah in la weyneeyo oo la sharfo.

In la jeclaado ehelkiisa, ooryihiisa, asxaabtiisa, weyneyntiisa ayey ka mid tahay, dadkaa Nebigu CSW weyneynayey, siduu xadiis Nebigu CSw inoogu sheegay “ha caayina asxaabtayda, waxii ay bixiyeen xilligii la baahnaa, ma gaadhayo in badan ood bixisaan xilliga barwaaqada..”

Ehlu beydka marka la weyneynayo maaha inaynu samayno sida Shiicadu ugu xadgudbeen, taasi waa xadgudub laga yaabo mararka qaarkood inay qofka diinta ka saarto.

Nebiga CSw xuquuqdiisa wax aka miid ah in lagu saliyo, siduu Ilaahay Sw Quraanka Kariimka innagu faray, faa’iidada qofku ka helayo saliga Nebiga CSw waa inuu shafeecada aakhiro ku helo, aduunkana hamiga Ilaahay Sw kaga dulqaado.

Xuquuqda Nebiga CSW waxa ka mid ah xidhiidhinta awliyadiisa iyo cidda Nebiga CSW xaqiisa siisa, kuwa cadowga ku ah ee caayaya Nebiga CSw la coaadiyo, lagana durko cadowgiisa,

Nebiga CSW xuquuqdiisa wax aka mid ah waxii aynu Garran weyno ama innagu adkaada, innaynu sunadiisa u celino, sida aynu Quraanka Kariimka ugu celino, ayaa axaadiista Nebiga CSw xujo u tahay loona daliishanayaa. Isla markaana sharci laga dhigto Kitaabka iyo Sunnaha Nebiga CSW, siduu isaguba ahaa Nebigu CSW, Ilaahay SW aayad inoogu sheegay “Waxii aad ku murantaan bulsho iyo madax Ilaahay SW iyo Rasuulkiisa CSW u celiya, kitaabka iyo sunnaha.

Nebiga CSW xuquuqdiisa wax aka mid ah barashada  siiradiisa, dadka qaarkood buugaag ay qoreen gaalada iyo faylasuufyadooda ayey akhristaan, kuwo kale buugaag kale ayey isku maaweeliyaan, laakiin waxa diin, cibro, iyo waano kuugu filan barashada siirada Nebiga CSW, markaa hadii ay tahay sheeko cariirta loo dhigayo, wax lagu maararoobayo, waana arrin keeni karta in Nebiga CSw lagu deydo, taasoo ka kooban hadalkiisii, ficilkiisii, akhaalqdiisii, markaa cilmiga siirada in guryaha, madaarista, jaamacadaha iyo masaajidada lagu dhigo waxa keenaysaa in Nebiga CSW  lagu deydo oo dhaqankiisii iyo siduu u noolaa la fahmo. Da’yartuna ku barbaaraan jacaylka Nebiga CSW iyo ku deyashadiisa, sida Ilaahay Sw quraanka inoogu sheegay “Waxa idiinku sugnaaday Nebiga CSW ku deyasho wanaagsan, qofka rajeynaya inuu aakhiro Ilaahay SW is hortaago.”,

Xuquuqda Nebiga CSw waxa ka mid ah ilaalinta xaramkiisa, masjidkiisa, qabrigiisa iyo magaaladiisa Madiina, oo ah waajib saaran ummada islaamka dhamaantood.

Waxyaalahaa oo dhan waa xuquuqda xilku innaga saran yahay inaynu Nebiga CSW siino, innagoo Ilaahay Sw ugu cibaadeysanayna. Markaa waxaynu u baahan nahay in arrinkan qalbiyadeena ku weynaado ogaanana qeybaha iimaanka inuu ka mid yahay Nebiga CSW xaqiisa in la siiyo iyo jacaylkiisa, taasoo aynu ku barbaarinayno qarniga soo koraya, dadkuna uu ku wada dedaalayo dhamaantii, oo siyaasad iyo hadaf lagu wada socdo noqdo, si madmadowga wakhtigan la baahinayo looga baxo.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews