Macallin Faransiis Ah Oo Ardeydiisa Ubandhigay Sawir Laga Been Abuuray Nebi Muxammad CSW Oo Wiil Muslim Ahi Garacay Kuna Shahiiday
October 18, 2020 - Written by admin
Paris(Berberatoday.com)-Booliska dalka Faransiiska ayaa afar qof u soo xiray dilka macallin taariikhda dhiga oo xalay lagu gowracay meel u dhow magaalada Paris ee caasimadda dalkaasi.
Booliska Paris oo raadinaya qofka dilay Macallin Nebi Muxamed aflagaaddeeyey oo la Gawracay 2020
Booliska ayaa sheegaya in weerarkaasi ay rumeysan yihiin in uu ahaa aargoosi kaddib markii macallinkaasi uu ardaydiisa u soo bandhigay sawir gacmeed la sheegay in laga sameeyay Nabi Muxammad naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaatee. Ninka weerarka geystay ayaa markii dambe waxaa toogasho ku dilay booliska.
Booliska, ayaa xalay baaritaan ku sameeyay hooyga ninka looga shakiyay weerarka waxaana xabsiga loo taxaabay 4 qof oo la sheegay iney xiriir dhow la leeyihiin 18-jirka la aamnisan yahay inuu ku dhashay dalkaasi Ruushka.
Weerarkan oo aad looga hadal hayo faransiiska ayaa la sheegay inuu ka dhashay cashar ku saabsan sawir gacmeedyo muran badan dhaliyay oo laga sameeyay Nabi Muxamed NNK. Macallinka ayaa la sheegay in ardayda Muslimiinta ah uu ka codsaday iney fasalka ka baxaan markii uu ardayda kale tusayay sawir gacmeedyada.
Nin watay mindi weyn ayaa macallinka ku weeraray waddo ku taal xaafad lagu magacaabo Conflans-Sainte-Honorine, isagoona madaxa ka jaray. Ilo booliis ayaa sheegay in markhaatiyaashu ay maqleen qofka weerarka gaystay oo ku dhawaaqaya “Allahu Akbar”, ama “Ilaahay ayaa weyn”, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.
BAADHISTA BOOLISKA PARIS
Saraakiisha ayaa ninkan kaga hortagey degmada u dhow ee Éragny. Waxayna u sheegeen inuu is dhiibo balse waxaa la sheegay badalkii taas inuu u hanjabay booliska taas ayaana horseedday iney toogtaan.
Waakan Sawirka Ninka Muslimka Ahi Ee Gaalka Garawacay Kuna Shahiiday