berberatoday.com
Sucuudiga Oo Shaaciyey War Ku Saabsan Qorshaha Hagaajinta Xidhiidhka Israa’iil.
October 19, 2020 - Written by admin

Riyadh(Berberatoday)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga Amiir Faisal Bin Farhan Al-Saud ayaa ku dhowaaqay in dalkiisa rumeysan yahay in ugu dambeyn uu wanaajin doono xidhiidhka Israa’iil, waxaa sidaas weriyey Machadka Washington ee Daraasaadka Siyaasdda Bariga Dhow.

Kulan uu Machadka qaab Online ah kula yeeshay ayuu Amiir Faisal ku yidhi “waxaan rumeysanahay in hadda loo baahan yahay in diiradda la saaro in Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta lagu soo celiyo miiska wada-hadalka. Ugu dambeyntii, waxa kaliya ee horseedi kara nabad iyo xasilooni waarta waa heshiiiska dhex mara Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta.”

Waxa uu sheegay in haddii aan taas lagu guuleysan in mar walba uu jiri doono dhaawac ku yaalla gobolka, ayna ka go’an tahay hanaanka nabadda.

“Nabadda, ayaan u aragnaa inay muhiim u tahay gobolka, waxayna qeyb ka tahay waxa ugu dambeyn caadi ka dhigi doono xidhiidhka Sacuudiga iyo Israa’iil, sida ku xusan qorshaha nabadda Bariga Dhexe,” ayuu yidhi.

Amiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Sidaas darteed, waxaan marwalba odorosaynay inay dhici doonto xidhiidhka Israa’iil oo aan caadi ka dhigno, sidoo kale waxaan u baahannahay inaan helno dowlad Falastiin ah, waxaana u baahanahay inaan qorshe nabadeed u helno Falastiin iyo Israa’iil.”

Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ayaa dhowaan noqday labadii dal ee ugu horreeyey ee ku yaalla Khaliijka ee xidhiidh la yeesha Israa’iil , iyo dalalkii saddexaad iyo afraad ee Carbeed, kadib Masar iyo Israa’iil.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews