Dadweynaha Oo Su’aalo Iska Waydiinaya Sababta Uu Wasiirka Arrimaha Guduhu Uga Hadhay Safarka Madaxweynaha Ee Gobollada Bariga!
October 22, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dadweynaha Caadiga ah ee Reer Somaliland iyo kuwo Siyaasadda Fallan-qeeya ayaa su’aalo iska waydiinaya Sababta uu Safarka Madaxweynaha ee Gobollada dalka uga maqan yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed.
Ma jirto sabab Cad oo la ogyahay oo Wasiir Maxamed Kaahin uu uga hadhay Safarka Saaxiibkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku marayo Gobollada bariga dalka, laakiin waxa jira su’aalo iska soo horjeeda oo Dadweynuhu arrintaa ka qabaan.