Warbixin”Saamaynta Xanuunka Kuududiyuhu Ku Yeeshay Bulshada Gabiley Iyo Dhakhtar Ka Warramay”Daawo Muuqal
October 22, 2020 - Written by admin
Gabiley(Berberatoday.com)-Xannuunka loogu magac-daray Kuduudiyaha oo ka jira gobollada Somaliland, sida ay Bulshadu ku warramayso, ayaa xilligan saameeyey Dadka, waxaana meelaha uu xannuunkani ka jiro ka mid ah magaalada Gabiley.
Xannuunkan oo badhtamaha sannadkii hore lagu arkay gobollada Bariga, gaar ahaan magaalada Burco ka hor intii aanu dalka soo gaadhin caabuqa Covid-19 ee ku faafay adduunka, ayaa ah xannuun dalka ku cusub oo aan la aqoonsan nooca uu yahay.
Haseyeeshee, warbixin uu telefishanka HCTV ka sameeyey magaalada Gabiley oo xumadda xannuunkani si xooggan uga jirto, ayaa lagu soo bandhigay Natiijada baadhitaanno lagu sameeyey xannuunka iyo heerka uu gaadhsiisan yahay Xannuunka Kuduudiye oo marka uu qofka ku dhaco ku keena xummad xad-dhaaf ah oo wada-gaadhsiisan dhammaan xubnaha Jidhka.