berberatoday.com
Xukumada Oo Indhaha ku Haysa Siyaasiyiin Ku Qulqulaya Dubai Iyo Dareenka Lala Xidhiidhinayo
October 22, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukumadda madaxweyne Biixi ayaa si dhaw ula socota dhaqdhaqaaqa siyaasiyiin ku sii qulqulaya magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta kuwaas oo ay u muuqato in ay arrimo siyaasadeed halkaasi u joogaan.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo, wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil iyo Boqor Buurmadow ayaa fadhiisin ka dhigtay magaalada Dubai.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo siyaasiga Maxamed Aadan Qabyotire ayaa socdaal wada jir ah todobaadkan ku gaadhay magaalada Dubai waxaana isla shalay kooxdan siyaasiyiinta ah ku biiray musharraxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga UCID Prof Abyan.

Warar kale ayaa sheegaya in siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi iyo siyaasiyiin kale dhawaan ku biiri doonan siyaasiyiinta halkaasi isugu tagay.

Waxa jira xogo ku saabsan in madaxda xisbiga UCID iyo siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye ka tirsan ee aan ka qayb galin shirweynihii laguna darin liiska golaha dhexe wada hadal uga furmo magaalada Dubai si la isula eego arrimaha mustaqbalka ee xisbiga UCID.

Ma Wada-Hadallo Ayaa U Socda Hoggaanka Xisbiga UCID Iyo Siyaasiyiin Uu Maxamuud Xaashi Cabdi Ka Mid Yahay ?

Inkasta oo madaxweyne ku xigeen Cabdiraxmaan Saylici ku sugan yahay dalka Imaaraadka haddana waxa jira warar ku saabsan in xukuumadda madaxweyne Biixi indhaha ku hayso siyaasiyiinta isugu tagay magaalada Dubai.

Source: Wargeyska Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews