“Waxaan Dhibsadaa Markaan Maqlo Dhalinyarada Somaliland Oo Xamar Ushaqo Doonanaysa..”Xaaji Aadan-Baradho
October 23, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Muxaadiro ku saabsan Waddaniyadda oo lagu wacyi-gelinayo dhallinyarada Dugsiga sare ee Faarax Oomaar, ayaa maalintii Arbacada lagu qabtay Barxada Dugsigaasi.
Muxaadiradan oo dulucdeedu ahayd sidii dhallinyarta Dugsiga Faarax Oomaar wax uga ogaan lahaayeen Sooyaalkii ay soo martay Jamhuuriyadda Somaliland iyo qiimaha ay waddaniyadu leedahay.
Maamulaha Dugsiga sare ee Faarax Oomaar Guuleed Yuusuf Iidaan (Guuleed Goohee) oo ka hadlayay u-jeeddada Muxaadiradan ayaa waxa uu yidhi “Toddobaad kasta waxaynu soo casuunaa xubno ka mida hal-doorka Somaliland oo ardeyda uga warama taariikhda Somaliland iyo Waddaniyadu waxay tahay….. waxa maanta sharaf inoo ah inuu Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan-Baradho) ina la joogo, ku soo dhawoow Dugsiga sare ee Faarax Oomaar.”