berberatoday.com
Taariikhda Cumar Carte ilaahay ha u naxariistee oo galabta ku geeriyooday hargeysa ; By Axmed Saciid Cige Warjire Book
November 18, 2020 - Written by admin
Siyaasiga caanka ah ee cumar carte qaalib shakhsiyan wuxuu aniga ii ahaa masuulkii ugu horreeyay ee aan ka soo duubo barnaamij markii la i qoray shaqada idaacadii Radio Muqdiso badhtamihii sanadkii 1976 . waxay ahayd goobtu xaafadda hodan ee xamar oo xilligaasi laga dhagax dhigaayay dugsi hoose oo ka mid ahaa dugsiyadii khasabka loo bixiyay ee laga hirgelinaayay dhammaan magaalooyinkii iyo tuulooyinkii dhul-weynihii jamhuuriyaddii dimuqraadiga ah ee somaliya .
Cumar Carte oo ahaa Wasiirkii wasaaradda Arimaha Dibedda ee somaliya ayaa dhagax dhigaayay dugsigaasi xaafadda hodan qaybta u heshay , iyadoo xaafaddasina ahayd xaafadda ay ugu badanyihiin dadka reer somaliland magaalada muqdisho .
Cumar Carte Qaalib waxaan kaloo u soo joogay mar danbe oo laga qaaday xilkii wasiirka arimaha dibedda oo laga dhigay wasiirkii wasaarada madaxtooyada oo uu yimid magaalada hargeysa oo isaga iyo wasiirkii warfaafinta ee xilligaasi cabdisalaam Sheekh Xuseen furayeen war-laliyihii cusbaa ee Radio Hargeysa ee Ruushku dhisay ee mowjaddii 223 MB December 1979 . xilligaasina waxaan u ahaa weriye Cumar Carte oo diyaariya barnaamijyada iyo wararka inta wafdiga uu hogaaminayay joogeen magaalada hargeysa .
waxaan kaloo u soo joogay bishii Feberuary 1988 markii maxkamaddii badbaadada dalka la odhan jiray ee muqdisho ay Cumar Carte iyo rag kale oo u dhashay Somaliland oo uu ka mid ahaa ismaaciil Cali Abokor madaxweyne xigeenkii hore ee somaliya iyo shan iyo toban nin oo kale ay maxkamad ku sheegaasi ku xukuntay dil toogasho ah qaarkood, kuwana xadhig dheer , laakiinse la soo daayay markii danbe markii caalamka oo dhami ka qayliyay xukunkaasi .
waxaa xusid mudan siyaasiyiin kale oo isku mar lala xidhay cumar carte in iyaga maxkamadaasi sii daysay kuwaasoo ay ka mid ahaayeen ; Cumar Xaaji Masale wasiirkii Difaaca , Dr; Maxamed Aden Sheekh wasiirkii warfaafinta , Cisman Maxamed Jeelle xubin golihii sare ee kacaanka , Maxamuud Yusuf weyrax wasiirkii maaliyada , iyo warsame jiquf Wasiirkii xanaanda xoolaha oo isagu ku dhintay jeelkii labaatan jirow ee baydhabo ee ay ku xidhnaayaan mudada 7da sano ahayd .{sheekada maxkamadaasi oo faah-faahsan ka akhri buugga warjire} .
Cumar Carte qaalib wuxuu ku dhashay magaalada hargeysa sanadkii 1930 , wuxuu tacliintiisa hoose ku dhamaystay isla hargeysa . wuxuu galay dabadeed dugsi macallimiinta lagu tababari jiray oo ku yaallay magaalada Sheekh ee gobolka saaxil 1947 , halkaasoo loo diyaariyay xirfadda macallinimada oo uu muddo ku soo shaqeeyay . cumar carte wuxuu tacliintiisii sare ku soo qaatay isla magaalada Sheekh , kadibna waxaa uu aaday jaamicad ku taalla dalka Britain oo lagu magacaabo “Saint Paul’s “ siduu ii sheegay wiilkiisu maxamed Cumar Carte sanado ka hor , wuxuu ku soo takhasusay culuunta bulshada .
Cumar Carte wuxuu noqday sanadkii 1959 gudoomiye ku-xigeenkii degmada hargeysa xilligii ingiriiska , sanadkii 1961 wuxuu noqday gudoomiyihii degmada ceerigaabo .
Wuxuu xilligaa kadib u wareegay wasaaraddii arimaha debedda ee somaliya sanadkii 1962 , taasoo uu jagooyin kala duwan ka soo qabtay safaaradaha dibedda qaarkood min xoghaye kowaad ilaa iyo danjire . wuxuu ka mid ahaa xubnihii aan ku guuleysan ee isu soo sharaxay baarllamaankii somaliya doorashadii ugu danbeysay ee xor ah ee xisbiyada badani ku tartameen ee 1969 .
Markii milleterigu taladii dalkii somaliya inqilaabeen 21,oktober 1969 ee general maxamed Siyaad Barre noqday madaxweynihii somaliya , waxaa uu Cumar Carte u magacaabay wasiirkii wasaaradda arimaha dibedda oo lagu xusuusto inuu ahaa wasiirkii ku daray jamhuuriyadii dimuqraadiga ee somaliya ururka jaamicadda carabta 1974 , isla markaana dedaal badan u galay xoreynta dalal badan oo afrika ah oo ku jiray gacanta gumeysiga .
Muddo ka dib ayuu general maxamed siyaad barre u magacaabay cumar carte wasiirkiisii madaxtooyada , kadibna wasiirka tacliinta sare iyo hiddaha , kadibna gudoomiye xigeenka golahii shacabka . wax yar kadibna jeelka ayuu u taxaabay badhtamihii sanadkii 1982 isaga iyo masuuliyyin kale oo u badnaa reer Somaliland .
Maalmihii ugu danbeeyay ee uu sii dhacaayay diktaatoorkii siyaad barre ee dabayaaqadii sanadkii 1990 waxaa uu u magacaabay Cumar Carte qaalib si heshiis lagu ahaa dad badani oo manifesto loo yaqaanay Ra’iisal wasaare ku meel gaadh ah , si siyaad barre dalka uga baxo oo dagaallo sokeeye looga badbaado .
Markii uu xukunkii siyaad barre dhacy January 1991 waxaa ku soo booday si lama filaan ah oo xukunkii ka hororsaday jabhadihii soo halgamay kooxdii manifesto lagu magacaabi jiray oo iska abaabushay magaalada muqdisho , kuwaaso madaxweynaha somaliya u magacaabay Cali Mahdi Maxamed oo isaguna Ra’iisal wasaare u magacaabay Cumar Carte Qaalib si uu u damiyo dagaallada .
Kadib waxaa halkaasi ka bilaabmay dagaallaadii lagu hoobtay ee ku dhex maray magaalada muqdisho general Maxamed Faarax Caydiid oo hogaaminaayay jabhadii USC , iyo Cali Mahdi Maxamed oo madaxweyne sheeganaayay .
Cumar Carte Qaalib isagu dibedda ayuu uga baxay dagaallaadii magaalada muqdisho ka qarxay xilligaasi , wuxuuna tegay dalalka imaaraadka carabta iyo sacuudi arabiya . kadibna wuxuu ku soo noqday dhulkiisii hooyo ee Somaliland isagoo u tartamay jagada madaxweynaha shirweynihii beelaha Somaliland ee magaalada borama ee 1993 , waxaana ka guuleystay madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal isaga iyo Madaxweyne Cabdiraxmaan tuurba , oo iyaguna u hambalyeeyeen markii danbe cigaal doorashada 5may 1993 . Cumar Carte wuxuu kaloo ka mid ahaa siyaasiyiintii miisaanka lahaa ee joogay shirweynihii beelaha somaliland ee 1997 ee dib loogu doortay jagada madaxweynaha mar kale Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal , waxaana lagu xusuustaa shirkaasi inuu ahaa Cumar Carte siyaasiyiintii calanka somaliland ee cusub wax ka saaray maalintii ugu horeysay ee laga qotominaayay xarunta guriga shaqaalaha bishii February 1997 .
Cumar Carte Qaalib oo ka mid ah siyaasiyiinta soomaalida ugu taariikhda dheer wuxuu mudooyinkii danbe ku noolaa dalka sacuudi arabiya , laakiinse sanadihii u danbeeyay waxa uu dib ugu soo guurey gurigiisa magaalada hargeysa dabayaaqada 2018 . muddo ayuu xanuun u jiifay cisbitaalka Haldoor ee magaalada hargeysa oo uu ku geeriyooday galabta 18november 2020 . waxaa tacsi u diray Madaxweynaha Somaliland Muse Biixi Cabdi iyo dad kaloo fara badan , waxaana lagu aasi doonaa magaalada Hargeysa .
AXMED SACIID CIGE
H A R G E Y S A

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews