berberatoday.com
Cabdikariim Guuleed oo Rejada Dowladnimada Soomaaliya Ku Xidhay Somaliland
November 20, 2020 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Sahan ee ka dhisan Soomaaliya, Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin isla markaan hirgeli doonin dowladnimada Soomaaliya inta aan meel lagu tiirin qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland.

Madaxweynihii hore ee Maamul-goboleedka Galmudug oo maanta gaadhay magaalada Muqdisho oo lagu soo dhaweeyey, waxa uu dhaliilo u jeediyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo uu ku eedeeyey inuu meesha ka saaray wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, taas beddelkeedana uu cadaawad iyo culaysyo siyaasadeed kula dhaqmayay Somaliland muddadii uu xilka hayey.

Cabdikariim Guuleed waxa kale oo uu dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo ku eedeeyey inay ku kacday siyaasad ay ku kala fogeynayso shacabka ku dhaqan Somaliland halkii ay ahayd inuu isu-soo-dhawaansho iyo xasiloonida ka shaqeeyo.

Cabdikariim Xuseen Guuleed oo sidoo kale soo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha DFS ee xukuumaddii madaxweyne Sheekh Shariif, waxa uu Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku dhaliilay damicii uu ku doonayey inuu ku tago magaalada Hargeysa kaddib kulankii Somaliland ku dhexmaray magaalada Addis Ababa oo Raysalwasaaraha Ethiopia uu labada hoggaamiyo isugu keenay marti-qaad uu u fidiyey.

Cabdikariim oo markii lagu soo dhaweeyey garoonka Muqdisho warbaahinta la hadlay, waxa uu ku dhaliilay Farmaajo damaca uu ku doonayey inuu kulan laba saacadood oo kali ah socday midha-dhalkiisa ku hantiyo inuu socdaal ku tago magaalada Hargeysa.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Guddoomiyaha Xisbiga Sahan

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews