berberatoday.com
“Mulkiilaha Dowladdu Waa Fahad Yaasiin, Mana Laga Yeelayo Burburin….”Xasan Sheekh
November 22, 2020 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud oo ka qeybgalay Barnaamij dood wadaag ah oo su’aalo lagu weydiinayay ayaa sheegay in mulkiilaha dowladda hadda jirta uu yahay Fahad Yaasiin oo ah taliyaha Nabad-sugida Qaranka.

Wuxuu ku eedeeyay in uu waddo sida uu hadalka u dhigay burburin siyaasadeed isaga oo yidhi ”Fahad Yaasiin markii hore wuxuu la wareegay Madaxtooyada, balse waa la ogaa sida uu ka yeelay, sidoo kalena Ciidamada Nabad-sugida ayuu burburiyay, haddana wuxuu rabaa in uu siyaasadda dalka burburiyo.

Xasan Sheekh ayaa intaa ku darray in shirarka u socda siyaasiyiinta mucaaradka yihiin kuwo salka ku haya siddii looga hortagi lahaa qorshaha madaxtooyada ee ah in askarta dowladda laga dhigo guddiyo doorasho.

Taliyaha hay’adda Nabad-sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin oo horay u soo noqday Wariye ka tirsanaa TVga Al-Jaeera ayaa ah shaqsiga ugu hadal qeynta badan marka la eego guud ahaan mas’uuliyiinta dowladda, waana shaqsiga eedeymaha ugu badan ee guddiyada doorashada loo jeedinayo, hasse ahaatee dhankiisa ma jirto wax jawaab ah oo uu ka bixiyay dhammaan eedeymahan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews