Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Sheegay Inay Maxkamada Sare Ugudbin Doonaan Ka Dhan Ah Wasiirka Warfaafinta Saleeban Cali Koore
November 23, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa sheegay in ay Maxkamadda sare u gudbin doonaan dacwad ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, kaas oo soo saaray laba wareegto uu ku sheegayo in Warbaahuntu dib u cusboonaysiisato ruqsadahooda, taas oo aanu jirin sharci awood u siinaya.