Soomaalida Itoobiya Iyaga Xaaladdoodu Waa Ninkii Hooyaday Guursadaba Waa Adeerkay W/Q Cabdiraxmaan Cadami
November 29, 2020 - Written by admin
toobiya waxay ka kooban tahay 9 kilal iyo laba magaalo oo hoos yimaadda xafiiska ra’isal wasaaraha (Addis Ababa iyo Diridhaba). Dawlad degaanka Soomaalidu waa kilalka labaad ee ugu baaxadda weyn dhul ahaan tiro ahaanna waa qoomiyadda saddexaad, sidaas oo ay tahay haddana awood la sheegi karo kuma laha dawladda dhexe ee Federaalka, saamayna kuma laha siyaasadda iyo hoggaaminta dalka.
Xukunka waxa ku loollama saddex qoomiyadood oo kala ah Axmaarada, Oromada iyo Tigrayga waana sababta keentay dagaallada ka socda gobollo ka mid ah dalka.
Hadaba hirdanka hanashada awoodda dalka xaggee ayay Soomaalidu kaga jirta?