berberatoday.com
Ciidamada Tigrayga Oo Sheegatay Inay Diyaarad Soo Rideen, Qabsadeen Magaalo.
November 30, 2020 - Written by admin
Mekelle(Berberatoday.com)-Ciidamada Tigrayga Oo Sheegatay Inay Diyaarad Soo Rideen, Qabsadeen Magaalo.
Ciidamada TPLF ee gobolka waqooyi ee Tigray ee dalka Ethiopia ayaa sheegtay inay soo rideen diyaarad millatari, islamarkaana ciidammada federaalka dib uga qabsadeen magaalo, Axaddii.
Sheegashadooda ayaa imaneysaa ayada oo weli dagaalka gobolka uu socda xilli ay dowladda sheegtay Sabtidii inuu dhammaaday, kadib markii ciidammadeeda ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Mekelle.
Weli ma jirto jawaab ay dowladda ka bixisay sheegashadan, oo uu ku dhowaaqay hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael, kaasi oo farriin qoraaladeed u diray wakaaladda wararka Reuters.
Sheegashooyinka dhinacyada isku haya gobolka Tigray ayey adag tahay in la xaqiijiyo, maadaama taleefonada iyo qadka Internet-ka ee gobolka Tigray uu go’anaa ama aad u xadidnaa, tan iyo markii dowladda ay ku dhowaaqday dagaalka, 4-tii November.
Abiy ayaa habeenkii Sabtida sheegtay in ciidamada dowlkadda ay qabsadeen caasimadda Mekelle. Wuxuu sidoo kale wacad ku maray inay soo xiri doonaan oo ay cadaaladda horkeeni doonaan “dambiilayaasha” TPLF.
Hoggaamiyaha TPLF Debretsion ayaa Reuters u sheegay in inkasta oo ay ka baxeen magaalada Mekelle, haddana ay sii wadi doonaan inay dagaalamaan.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews