Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Hoggaan Xumo Ka Jirta Dalku Ay Horseeday In Soomaaliya Sheegato Somaliland
January 11, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay sheegay inay Somaliland hayso hoggaan xumo.
Faysal oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Ceerigaabo, ayaa sheegay in doorashadii u dambaysay ee Somaliland ka dhacday 2017 lagu codeeyay qabyaalad, balse taasi aan waxba laga dheefin dhibaato mooyaane, sidaasi darteed doorashada soo socota loo baahan yahay in la soo doorto Dad ummadda wax u qabta.