berberatoday.com
Safiirkii Maraykanka Ee Soomaaliya Oo Dawladiisa Ugu Baaqay inay Qunsuliyad Ka Furato Somaliland
January 14, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Safiirkii Dawladdii Maraykanka u fadhiyey Dalka Sooaaliya intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2017, Amb. Stephen M. Schwartz, ayaa Dawladdiisa u soo jeediyey inay qunsuliyad ka furato Somaliland.

Amb. Stephen M. Schwartz oo qoraal dheer qoray ayaa waxa kale uu Dawladdiisa u soo jeediyey inay Midowga Afrika kala shaqayso sidii loo dhisi lahaa meeqaamka Somaliland iyo in Madaxweynaha xiga Farmaajo ee Soomaaliya uu sameeyo Wada-hadallo midho-dhal ah oo uu la yeesho Somaliland.

Amb. Stephen M. Schwartz oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Masaafadda iyo inay ka fog tahay Muqdisho, Maraykanku waa inuu Somaliland ka samaystaa Qunsuliyad, si ay u caawiso muwaaidniinta Maraykanka, Ganacsiga iyo in la dhiso xidhiidhada.”

Safiirku waxa kale oo uu sheegay “Waa inay sidoo kale kala shaqaysaa midowga iyo dhinacyada kaleba in la xalliyo meeqaamka Somaliland, iyadoo Madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya (Madaxweynaha kan xiga) lagu dhiirigelinayo inuu sameeyo Wada-hadallo deg-deg ah oo macno leh.”ayuu yidhi.

Waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay; “Degannaanshaha Somaliland iyo halka ay ku taallo, gaar ahaan dekedda Berbera waxay Maraykanka siin kartaa xulaashooyin istaraatiijiyadeed oo faa’iido leh, laakiin waa haddii ay Somaliland yeelato sharci caalami ah oo lagaga wada xaajoodo heshiisyada.”

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews