berberatoday.com
Cisbitaal Hargeysa Ku Yaalla Oo Muddo Saddex Maalmood Ah Qof Mayd Ah Ku Baadhanayay Qolka Dadka Liita Lagu Dabiibo Si Uu Kharashaad Uga Furto, Ehelkiisana Ugu Sheegay Inuu Nool Yahay!
January 15, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Cisbitaal ku yaalla Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland waxa laga soo wariyey dhacdo dhiillo leh, wakhti shacabka reer Somaliland baahiyo caafimaad la tacaalayaan iyo dhibka ay kala kulmayaan adeegyada Caafimaad mid dawli ah iyo mid gaar loo leeyahayba, waxaanay xaaladdani noqotay middii saacdihii la soo dhaafay loogu hadal haynta badnaa kadib markii la sheegay in cisbitaal gaar loo leeyahay qof mayd ah muddo ku dhaw saddex maalmood qof mayd ah ku baadhanayay qolka gargaarka dadka liita ee ICU-ga loo yaqaano.

Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md. Maxamed Sadiiq Dhamme oo arrinkan dhiillada leh shacabka la wadaagay ayaa qoraal dheer oo uu shalay galab soo dhigay Bartiisa uu ku leeyahay degallada Xidhiidhka Bulshada waxa uu ku faahfaahiyay xaalladdan murugada leh waxaanu yidhi: “

60 Saacadood Dhakhtar Mayd Ku Baadhnaayay Sariirta ICU-Ga, Cusbitaal Hargaysa Ku Yaal !!!

Marxuumka oo xanuun sanbabada ahi haleelay ayaa la soo dhigay cusbitaallada gaarka loo leeyahay mid ka mida waxa loo keenay si loola tacaalo xaaladiisa caafimaada, waxase taagnayd ajashiisa oo aan calaf u laabnayn. Qoysku waxay saxeexeen warqadda dammanada ee qofka lagu dhigo qaybta ICU, isaga oo jareera qaba ayaa la geliya qaybta gargaarka degdegga, waxaana laga soo saaray isagoo Koomo wax la moodo ku jira oo aan dhaqaaq lahayn qof kastaana arkayo rejo la’aanta.

Waxa la saaray sariir kiro ah oo baxnaano ahaan loo dhigay, waxa lagu xidhay Haan Ogsajiin oo 24 saac shan haamood dhammaanayaan, xaaladda marxuumku waxay ahayd benednaan waxaana u muuqatay qoyska xubno ka mid ah in mayd uu yahay oo naftu ka baxday. Dhakhtar Masriya ayaa caddeeyay in uu nool yahay wadnihiisu 30% oo la sugo illaa uu ladnaanayo, hal mar kama soo rayn waxaanu ku sugnaa sidii lagu soo dhigay.

Waxa ku socday kharash xad dhaafa irabado $70 illaa $50 u dhexeeya oo saacad saacad loo dalbayo, Kirada sariirta, waxa dul taagan inan kalkaalisa ah oo xaalada lagu yidhi la soco. Dood adagbaa dhakhtarka agagaarkiisa ka socotay muddadaa geeri iyo nolol ninba meel ku tirinaayo Marxuumka. Anigoo oo booqday marxuumkaasi waxaan la kulmay dadbadan oo ka sheekaynaya dhacdadan oo kale iyo qaar ka halis badan oo dhacay.

Xabaashii waa la qoday, waxa hor dhooban gurigiisa haween u jooga in ay ka qayb qaataan axanka iyo aaska hawshiisa, badh baroorta iyo qaar laabta u qaboojiya ehelka ayaa laga koobnaa. Marba warbaa ku soo dhacaya qoyska guriga jooga oo la leeyahay wuu noolyahay iyo wuu geeriyooday, dabkii la shidayaa kolna waa la bakhtiiya, kolla dubaa loo huriyaa oo laga bilaabayaa shaqada waxa ka jiray guriga xaalad walaahow iyo welwel aad u weyn.

Cusbitaalka waxa jooga kalkaalisooyin qaybtaa ICU, inan qiimo badan oo iga codsatay in aanan magac dhabin waxay noo sheegtay in dhacdadani aanay ugub ahayn, dad kale oo soo booqday iyo kuwo la jaara dhahktarkuna way sheegeen in dad mayd ah sidan oo kale Ogsajiin iyo shaqo loogu waday oo ay ku socotay lacag qayra xad ahi. Gabadh saddex todobaad ka hor la keenay oo maydkeeda sariir la saaray way dillaaci gaadhay barar awgii sidii ay u lahaayeen way kasoo raynaysaa koomadana way ka soo baxaysaa daaya Ogasiija ugu xidhnayd !

60 Saac kaddib waxa loo yeedhay laba dhakhtar oo caan ah kana mida dhakhaatiirta magaalada ugu khibaradda badan laguna kalsoon yahay, markii ay soo dul istaageen meydka ayay sheegeen ninkani in uu geeriyooday 60 saac ka hor. Waxay amreen in dhammaan laga furo qalabka ku xidhan oo meydka la xurmeeyo lagana saaro cusbitaalka si loo aaso. Cusbtaalka oo ah Ka masaarida (International Hospital Hargeisa) ma joogin markaa meesh, waxay canaanteen hablihii kalkaalisada ahaa.

Waxa ka dhacay cusbitaalkii buuq ehelkii oo maroora dillaaca oo toddobaad si naxariis dara lacag looga shubaayay ayaa shiitamay, odayga qoyska oo ah nin iimaan qaba, sheekha oo goba ayaa amray oo kala dareeriyay halkaana buuqii ku gunaanaday. Cusbitaalada gaarka maalin kasta waxa ka dhacda masuuliyad darro tan ka weyn nafaa ku go’ aan si khibradle loogu shaqayn.

Waxa ka jira Hargaysa cusbitaalo badan oo ay ka hawl galaan dhakhaatiir aan khibardooda la hubin, cusbitaalo loo furtay macaash sida bakhaarada oo aan adeegooga cid la socota oo qiimaysaa jirin, waxa loogu adeegaa bulshada qiimo xad dhaafa oo aanu bixin karin qof dan yari, dadka dhaqaalaha haystaa waxay tagaan dhakhaatiirta dibada iyo wadamada jaarka, dadka dan yarta ahna waxa u ciirsiya cusbitaalka guud ee Hargaysa oo gabbal baas u dumay adeeg iyo tayana aanu ka jirin, boqdayna kawaan lagu dhiig miirto dadka. Dawladnimadu waa adeeg iyo daryeel”. Ayuu qoraalkiisa ku yidhi xoghaye Dhamme.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews