berberatoday.com
Kongareeska Maraykanka Oo U Codeeyey In Xilka Laga Xayuubiyo Trump
January 15, 2021 - Written by admin

Washington(Berberatoday.com)-Mooshinka xilka qaadista Madaxweynaha wakhtigiisa sii dhammaanayo ee Maraykanka Donald Trump ayaa la ansixiyey kadib markii ay u coddeeyeen Golaha Wakiilada ee Baarlamaanka Maraykanka.

232 Xildhibaan oo ay ku jiraan 10 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Trump ee Jamhuuriga ayaa codkooda ku taageeray mooshinkan, halka ay kasoo horjeesteen 197 xildhibaan oo ah taageerayaasha Donald Trump ee xisbiga Jamhuuriga. 5 Xildhibaan ayaa ka aamusay inay codkooda dhiibtaan.

Donald Trump ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyey ee Maraykanka oo laba goor laga keeno mooshin xil ka qaadista.

Trump ayaa xilkiisa waxa uga hadhay 7 maalmood oo kaliya, balse Xildhibaanada xisbiga Dimuquraadiga ee mooshinka ka keenay ayaa sheegay in uu xil ka saaran yahay in tilaabo sharci ah laga qaado Trump oo dhiirigeliyey kooxdii Arbacadii lasoo dhaafay weerarka ku qaaday xarunta Baarlamaanka, weerarkaasi oo ay ku dhinteen 5 qof.

Sida uu qorayo sharciga Maraykanka ansixinta Konagreeska kadib waxaa mooshinkan loo gudbinayaa Aqalka Sare oo maxkamadeenaya Madaxweynaha, hase yeeshee waxaa la filayaa in Maxkamadeynta Trump ee Aqalka Sare ay dhici doonto kadib markii uu xilka ka dego 20ka bishan Janaayo.

Hadii Aqalka Sare Ansixiyo danbiga lagu soo oogay Trump ee ah kicinta shacabka iyo abuurista kacdoon ka dhan ah Sharuucda dalka iyo amniga wadankaasi, xukunkaasi oo ka horjoogsan doona Trump inuu markale isu soo taago xilka Madaxweynaha ama xil kale.

Trump ayaa rajeenaya inuu markale xilka Madaxweynaha u tartamo doorashada 2024.

Amaanka xarunta Baarlamaanka Maraykanka iyo caasimada Washington DC ayaa si weyn loo adekeeyey iyadoo la keenay ciidamo millatari ah si ay gacan usiiyaan booliiska magaaladaasi xili loo diyaar garoobaya caleemo saarka Madaxweynaha cusub Joe Biden oo dhici doonta Arbacada soo socota.
Hay’ada danbi baadhista Maraykanka ee FBI-da ayaa sheegtay in taageerayaasha Trump ay wadaan abaabulka banaanbaxyo hubeysan oo ay doonayaan inay ka dhigaan asbuuca danbe dhamaan caasimadaha maamul gobaleedyada uu ka kooban yahay dalkaasi Maraykanka.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews