berberatoday.com
Shimbirtii Lagu Dili Rabay Australia Oo Nasiib Ku Badbaadday
January 15, 2021 - Written by admin
A pigeon in Melbourne (file photo)
 

Shimbir ah nooca ay Soomaalidu u taqaanno “Qoolleey Xamaam” oo la qorsheynayay in lagu dilo waddanka Australia kaddib markii la sheegay in ay kasoo tallowday Dhinaca Mareykanka, ayaa la badbaadiyay markii baaritaanka ay boolisku wadeen lagu ogaaday in “ay aad ugu dhowdahay” inay tahay shimbir waddani ah oo reer Australia ah.

Shimbirkan oo lagu magacaabo Joe ayaa ciwaannada warbaahinta caalamka qabsaday kaddib markii laga helay beer ku taalla magaalada Melbourne, xilli ay lugta uga xirneyd calaamad muujineysa in uu Mareykan yahay.

Sababta shimbirtan loo dili rabay waxay ahayd in ay ay jabisay sharciga karantiilka Australia ee loogu talagalay xayawaannada ka yimaada ama laga keeno dalalka dibadda.

Hase yeeshee, waxaa hadda cafis loo fidiyay maadaama laga shakiyay in calaamadda lugta uga xirneyd ay tahay mid been abuur ah oo si ulakac ah loogu xiray.

“Baaritaan markii la sameeyay kaddib, waaxda arrimaha deegaanka waxay go’aan ku gaadhay in shimbirka Joe ay aad ugu badan tahay inuu yahay reer Australia, oo uusan sidoo kale keeneynin wax khatar caafimaad ah,” ayaa lagu yidhi bayaan maanta oo Jimce ah kasoo baxay waaxda Beeraha, Biyaha iyo Deegaanka ee Australia.

“Waaxdu waxay ku qanacsan tahay in astaanta shimbirta lugta uga xidan ay tahay mid been abuur ah oo aan sharci ahayn,” ayaa lagu yidhi bayaanka, waxaana intaas lagu sii daray in aysan jirin wax tallaabo dheeraad ah oo shimbirtaas laga qaadi doono.

Taas micnaheeda ayaa ah in Joe aan la dili doonin.

Pigeon (file photo)

Nin daggan magaalada Melbourne, oo lagu magacaabo Kevin Celli-Bird ayaa sheegay in uu shimbirtan qeybta dambe ee gurigiisa ku arkay 26-kii bishii December.

“Aad buu shimbirku caato u ahaa, sidaas awgeed buskud ayaan u burburiyay bannaanka ayaana u dhigay,” ayuu yidhi isagoo la hadlayay Wakaaladda Wararka ee AP.

Cilmi baaris yar oo uu ka sameeyay internet-ka ayuu Mr Celli-Bird ku ogaaday in shimbirtan, sida ka muuqata astaanta lugta uga xiran uu leeyahay qof daggan gobolka Alabama, markii ugu dambeysay lagu arkay tartan shimbiraha loogu qabtay gobolka galbeedka Mareykanka ku yaalla ee Oregon.

Laakiin markii uu warbaahinta qabsaday warka ku saabsan in shimbirkii Joe ahaa la helay, waxaa Mr Celli-Bird lasoo xiriiray booliska Australia oo sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaaladda uu abuuri karo xayawaankan.

‘Halis kuma aha caafimaadka xayawaanka kale’

Laakiin nasiibka shimbirtan ayaa fiicnaaday kaddib markii Ururka maamula tartamada shimbiraha noocan ah ee dalka Mareykanka uu beeniyay in Joe laga leeyahay Mareykanka, iyagoo intaas ku daray in astaanta lugta uga xidhan ay tahay mid aan sax ahayn.

“Shimbirta laga helay Australia waa mid dalkaas uu leeyahay mana aha in la dilo sababtoo ah ma keeni karo wax halis caafimaad ah oo waxyeeleyn karta xayawaannada kale,” ayaa lagu soo qoray bogga ay ururkaas ku leeyihiin facebook-ga.

Shimbirta Joe ma aha xayawaankii ugu horreeyay ee dhibaato kula kulma gudaha Australia, ama uu qabto sharciga socdaalka xayawananada.

Jilayaasha kala ah Actors Johnny Depp iyo xaaskiisii xilligaas, Amber Heard, ayaa ku khasbanaaday in ay muuqaal raalligalin ah soo duubaan kaddib markii labo eey oo ay lahaayeen ay sanadkii 2015-kii Australia ku geeyeen diyaaraddooda khaaska ah.

Inkastoo ay suuragal tahay in qaab sharciyeysan shimbiraha lagu geeyo Australia, haddana nidaamka loo marayo ayaa adag oo ay ku bixi kartaa lacag dhan tobannaan kun oo doolar.

Tobannaan sano gudahood ma jirto cid shimbir laga qaaday Mareykanka geysay waddanka Australia.

Xigashi BBC-Somali.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews