berberatoday.com
Siyaasi Ka Tirsan KULMIYE Oo Guurtida U Soo Jeediyey Inay Is-waafajiyaan Xilliga Loo Cayimay Doorashada Iyo Muddo-kordhintii Wakiillada
January 22, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Maxamed Ibraahim Madar oo ka tirsan Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, xil wasiirnimana ka soo qabtay Xukuumaddii hore Axmed Siillaanyo, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajaahan qabsoomida Doorashooyinka, waxaanu si gaar ah tallooyin ugu diray Xisbiyada iyo Golaha Guurtida.

Siyaasi Maxamed Ibraahim Madar oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dhammaan Gobollada dalka oo dhan Diiwaangelintii waa laga sameeyey, oo dadkii aan hore fursadda ugu helin is diiwaangelinta ayaa is diiwaangeliyey, oo dadku imika waxay aad u fahmeen wax aanay hore u fahansanayn, oo ah qiimaha ay is diiwaangelintu leedahay iyo qiimaha ay Doorashadu leedahay, maxaa yeelay qof walba wuxuu xor u yahay inuu u codeeyo cidda uu rabo, laakiin waxaa ka horeeya inuu marka hore qofku helo xuquuqda uu ku codaynayo”.

Mar uu ka hadlayey Doorashooyinka ayuu yidhi “Doorashooyinka waxaa la qabanayaa siday Komishanku inoo sheegeen sannadkan, oo iyaga ayaa garanaya qaabka ay ku qabanayana iyo wakhtiga ay ku qabanayaan, oo wakhtigii hore loo cayimay way ka soo horeeyaan Doorashooyinku, balse Golaha Guurtida waxaynu ka filaynaa inay tixgeliyaan wakhtiga heshiiska lagu wada yahay ee Komishanku cayimay inay Doorashooyinka ku qabanayaan, waxaana Golaha Guurtida ka codsanayaa inay wakhtigan ansixiyaan oo ay meel mariyaan”.

Mar uu baaq u dirayey Xisbiyada ayuu yidhi “Tartan baa dhacaya, oo Doorashooyin baa dhacaya, oo Xisbiyadu way tartamayaan, markaas Xisbiyada waxaan leeyahay tartankiinu ha noqdo tartan bilaa turxaana, oo ka fogaado wax kasta oo umadda kala fogaynaya”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews