berberatoday.com
Tirada Kiisaska Cudurka Covid-19 Iyo Dadka Ugeeriyoonaya Gudaha Soomaaliya Oo Sii Kordhaysa
March 4, 2021 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Tirada kiisaska cudurka Covid-19 iyo dadka u geeriyoonaya gudaha Soomaaliya ayaa sii kordhaysa maalinba maalinta kasii dambeysa, haba ugu badnaadeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

24-saac ee la soo dhaafay, wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalin laha waxay ku diiwaan galisay 209 kiis iyo dhimashada 11 qof oo hor leh.

181 kiis oo kamid ah kiisaskaan ayaa laga helay magaalada Muqdisho oo hadda laga dhaqan galinayo awaamiir culus oo lagu xakamaynayo faafitaanka cudurka Covid-19, oo xaaladdiisu ay haatan meel adag ay marayso.

Coronavirus

Wasaaradda caafimaadka waxay kaloo warbixinteeda ku sheegtay in ay 21 qof ka bogsadeen cudurka.

Waxaa laga cabsi ka qabaa in uu dalka soo gaadhay nuuca cusub ee Coronavirus, waxayan dowladdu ka war sugaysaa baadhitaanno dibadda loo diray oo dhawaan la helidoono.

Inkastoo cudurka si aad ah u faafayo haddana weli dadka Soomaalida si dhab ah uguma baraarugsana halista cudurka iyo sida dadku ugu geeriyoonayaan maalin kasta.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews