Madaxweyne Joe Biden Oo Militeriga Iyo Hay’adda Sirdoonka Faray Amar Si Weyn Usaameynaya Soomaaliya
March 5, 2021 - Written by admin
Washington(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa Militeriga iyo Hay’adda Sirdoonka ee dalka Mareykanka ku war-geliyey in ayna Soomaaliya ka fulin karin howlgal dhanka cirka ah ama mid kumaandoos ah, iyagoo aan ogolaansho ka haysan Aqalka Cad, Sida uu baahiyey Wargeyska New York Times.
Madaxweynaha cusub ee Joe Biden ayaa lagu sheegay warbintan in amarkaas uu si hoose u bixiyey, isla markaana u jeedka laga leeyahay uu yahay yareynta waxyeelada soo gaadha dadka rayidka ah ee ku nool goobaha lagu tuhmayo ama lagu beegsanayo kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.