berberatoday.com
“Siyaasada Somaliland Waxa Ay Halis U Tahay Laba Kooxood Oo Kala Qolo Ah” Maxamed Dhimbiil,
March 5, 2021 - Written by admin

Dalka Jamhuuriyada Somaliland oo 30 jirsanaya ayaa waxa Xiligan ku soo dhow doorashooyin kii goleyaasha wakiilada iyo Deegaanka oo loo soo xulayo xildhibaanadii dadka matali lahaa labadaasi gole , sidoo kale waxa la rajeynayaa in ay hal sano ka Dib dhacdo doorashada guurtida marka la qabto doorashada wakiilada.

Waxa kale oo la sugayaa furashadii ururada siyaasada oo horaanta sanadkaasi iyada oo uu sharcigu sheegayo in la furto urur siyaasadeed doorashada golaha deegaanka 6 bilood ka hor oo hadii sharciga la dabaqayo in hadda lagu dhawaaqo ay ahayd ururo siyaasadeed.

Umaduhu waxa haboon in ay isku maamulaan wax ay iyagu leeyihiin iyo siyaasad iyaga ka soo go’day oo u danaynaysa dalkooda dadkooda iyo qaarada ay ka soo jeedaan guud ahaan , iyada oo aan caalamka kalena laga go’ayn oo xidhiidh inaga dhaxaynayo.

Gobolkani ay Somaliland ku taalaa waxa ku xoogan aragtida xagjirka ah ee qaybo ka mid dalkii la isku odhan jiray jamhuuriyadii Somalia ka wada dhibaatooyinka , qaybaha kalena ku jooga waji kale oo ka duwan kaasi , isaga oo dadka soomaaliyeed ay yihiin dad islaam ah oo waligood muslim ahaa ayaa feker iyo aragti xagjirnimo looga soo waariday dunida carabta .

Sidoo kale waxa dalka ku sugan oo aad saameyn ugu leh dadka wadamada reer galbeedka iyo dhaqanada gaaladu wadato dabada ku haya oo saameyn xoogana ku leh siyaasada iyaga oo ay caawinayaan dawlado shisheeye , kuwaasi oo iyaguna halis ku ah mustaqbalka iyo jiritaanka umadnimo ee dadka jamhuuriyada Somaliland.

Somaliland waxa ay ku jirtaa laba halisood dhexdood oo labadaba dhaqaale ay ku soo bixiyaan dawlado shisheeye iyo dad dano ka leh dalkani , inta ugu badan dadka siyaasada Somaliland ku jirana waa dad wax loo yeedhiyo oo labadaa nidaam uun ku kala faylsan , labadani qolo ee aynu ka soo hadalnay waxa ay isku dhex haystaan dalka iyo dalal kaleba , taladana way ku wada jiraan , labada midina dan uma aha dadka jamhuuriyada Somaliland , halka loo socdo ee la rabo in la qabsadaana waa golaha xeer dejinta dalka oo la rabo in umadani laga badelo.

Hawlahani waxa ay xagal daac iyo burbur ku keeni karaan waxii umadani u soo halgamaysay nus qarniga ee loo waayey boqolaalka kun ee qof , sidoo kale waxa ay ka mid yihiin meelaha ilaa hada dalkani ka socon laayahay oo waa dal la isku dhex haysto oo nidaamyo ku dhex dagaalamayaan , markaa umadani iyo dalkani waxa uu ku sugan yahay halis u soo dhex raacda nidaamka dawladnimo .

Dad badan oo maanta hayb ahaan dadka ku xod-xodanaya iyo dhaqaale ayaa ka mid noqon doona kuwa dalkani ku ridi doona hog dheer una horseedi doona burbur hor leh , dadkaasi waxa ay isugu jiraan qaar aan xataa iyagu fahamsanayn afkaarta ay xambaarsan yihiin iyo in cid kale ku shaqeysanayso .

Shuruucda iyo dastuurka dalka waxa aad looga taxadiray waxyaabaha umadani ku baabi karto oo ay ka mid yihiin waxa la wada leeyahay in la kala sheegto , waxaana uu distoorka dalku toos uga soo horjeedaa ururo iyo kooxo diimeed in ay sameysmaan , sidoo kale distoorka dalku waxa uu ka soo horjeeda in waxii diinta islaamka ka soo horjeedaa waxba kama jiraan yihiin , labadaniba waa xayndaab la isaga dhigay labadaa qolo ee inagu dhex dagaalamaya.

Ilaa markii ay burburtay dawladii dhexe ee soomaaliya umada soomaalida guud ahaan waxa soo food saaray isbadel iyo saameyn ay ku leeyihiin dawlado shisheeye , waxaana ay ka mid tahay meelaha aan la helayn in wax wanaagsan lagu heshiiyo marnaba oo ay soomaali tashato , Somaliland inta ay kaga soo badbaaday ee ay halkan ku soo gaadhay markii hore waxa ay ahayd farogalin la’aanta shisheeyaha iyo siyaasiyiin asal ah oo ka badqaba labadan daraf ee is eryanaya oo xataa umadii jaah-wareer ku riday.

QALINKII; Aqoonyahan Mohamed Dhimbiil

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews