berberatoday.com
Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxay Ka Tidhi inay Lacag Ka Qaaddo Dadka Udhinta Covid-19 Iyo Wejigii 1-aad Ee Tallaalka?
April 8, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay in aan wax Dhaqaale ah la weydiinnin amma Wasaarad ahaan aanay ka qaadin Qoysaska Dadkoodu u Dhintaan Covid-19.

Madaxa Xafiiska Fayo-dhawrka iyo Xakamaynta Cudurrada faafa ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma) oo maanta Waraysi siiyey Gobanimo TV, ayaa sheegay inaanay wasaaraddu wax dhaqaale ah ka qaadin aasitaanka iyo maydhista Meydadka Dadka Xanuunka Covid-19 u dhinta, taas oo ay Wasaaradda ku eedeeyeen Bulshada qaarkood, waxaanu soo jeediyey in Ciddii la weydiiyo kharash arrintaas ku saabsan ay la soo xidhiidho Wasaaradda si tallaabo looga qaado Cidda weydiisay haddii la arko.

Nakruuma, waxa uu sheegay inaanay jirin wax Cabasho ah oo wasaarad ahaan soo gaadhay oo la xidhiidha dhibaatoyin Dad qaar sheegayeen inay kala kulmeen Tallaalka Cudurka Covid-19 oo wejigii koowaad oo toddobaadkii hore bilaabmay lagu tallaalay 65,000 (Shan iyo Lixdan Kun) oo Muwaaddiniinta reer Somaliland ka tirsan.

Haddaba, Cabdiwahaab Nakruuma oo qodobbadaas ka hadlaya, waxaannu Warkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews