berberatoday.com
“Saaxiibbayda Mucaaradka Faral-bay Ka Noqotay, Inay Xukuumadda Dhaliilaan”Saylici.
April 9, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Xisbiyada Mucaaradka ah ku eedeeyay inay caado ka dhigteen inay dhaliilaan Xukuumadda.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Shalay ka hadlayey Munaasibad uu Mulkiilaha Shirkadda World Remit kaga dhawaaqay inuu Somaliland ugu deeqay 500 Million dollar, si wax loogaga qabto Caafimaadka iyo Waxbarashada, ayuu Saylici eedaymo ugu jeediyey Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ah ee WADDANI iyo UCID.

Mudane Saylici oo daba socda hadal uu Madasha ka sheegay ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Qodax, kaasi oo ahaa inaan Xukuumaddu dhaqaalaha dalka ka soo xerooda waxba ku celinin, ayaa isagoo ka jawaabaya wuxuu yidhi “Saaxiibbayda Mucaaradka Faral-bay ka noqotay (Inay Xukuumadda dhaliilaan)…”

Madaxweyne ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata, ayaa ka warramay dardaaran uu isaga iyo Xubno kale u jeediyey Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), waxaanu yidhi  “Gaarriye Alle ha u naxariistee mar uu wax noo dhigayey doorashadii Golaha deegaanka, wuxuu yidhi markaad tihiin Gole deegaan, waxaad tihiin siyaasad dejiyayaal Degmada ka masuul ah, Ummadda ka Jilicsan, ka baahan, ka Laga tiro badan yahay ayaad masuul ka tihiin, laakiin dhaqanka uu Nin walba iska eegayo Nin kale, isagoo eegaya Xisbi iyo Reer yar, halla iska daayo, markuu Walaalkaa hadlayo hadduu wax wanaagsan sheegayo ha odhanin Ninkaa reer Hebel muxuu noo sheegayaa iyo kan Xisbi hebel muxuu noo sheegayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Cabdinaasiroow..ha odhanina waxba dalka kuma celisaan ee waxaad tidhaahdaa biiriya waxaad dalka ku celisaan.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews