berberatoday.com
“Farmaajo Sidii Kuwii Ka Horeeyay Wuxu Madaxwayne Ku Yahay Ee Vila Somaliya Ku Deggen Yahay Waa Sodonka kun Ee Ciidamada Shisheeyaha Ah”. Cali Guray
April 11, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali maxamed Yuusuf “cali Guray”ayaa ka hadlay hadalo kazoo yeedhay qaarkamid ah madaxda somaliya kuwaasi oo beesha caalamka ugu baaqay in ay kabaxaan somaliya xili aanay lahayn awood dawladeed oo ay isku ilaaliyaan.

Siyaasi cali guray ayaa sheegay hadii ciidamada shisheeye ka baxaan somaliya in aanu farmaajo madaxwayne ahaanayn ismarkaana ay alshabaab kala wareegayso muqdisho.

Siyaasi cali ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa sidan;

AF NOOLI WUU HADLAA AYNA WUU CIYAA

Gebgeb Allayl leh kanaa gudcur gudaya. Farmaajo sidii kuwii ka horeeyay wuxu madaxwayne ku yahay ee vila Somaliya ku deggen yahay waa sodonka kun ee ciidamada shisheeyaha ah. Haday aroorta ka baxaan Al shabaab cid aan ahayn oo dawlad ka noqon karta xataa Muqdisho ma jirto. Markaa sida uu ninkani u hadlayo ma Al shabaab ayuu doonayaa iyaga ayaa soomaali ah eh oo aan shisheeye ahayne?

Anigana tayda iga qora. Xal waddani ah oo sokeeye oo Soomaali ah oo ay ku heshiin karaan dhinacyada isku haya talada soomaalia oo ay dhexdooda kaga heshiin karaanba ma jiro. Xal shisheeye oo kuwa uu leeyahay ha baxaan laftooda ka yimi ayuun bay ku wada qasbami doonaan wayo ma jiro dhinac tiisa keligii cudud ku meel marsan karaa. Farmaajo hadii tiisa uu keligii ku meel marsan karo ha ku meel marsado eh waaba loo wada joogi. Balse anigu ma filayo ninka madaxtooyadiisa ay Yugaandhiis iyo Ruwaandhiis iyo kuwo kale oo wada shisheeye ahi ku ilaaliyaan ee aan ka maarmi karin uu leeyahay awooddaas waayo awoodda uu sheeganayo kuwaas ayuu kaga maarmi lahaa marka hore ee ma gaadhay heer uu kaga maarmi karo?

Soomaalidu waxay tidhaa kala go’ kala lulasho ayaa dhaanta. Kan tiisu waa kala go’. Somalia inta ay 30,000 oo ciidamo shisheeye ahi joogaan amnigana iyagu gacanta ku hayaan talada waa lala leeyahay. Doqoniimadiisa waxabu u hanqal taagayaa Somaliland iyo dekadaheeda in dawladda Muqdisho ay kacanta ku dhigto. Faan waynaa. Ha la yaabinse horaa loo yidhi af nooli wuu hadlaa ayna wuu ciyaaye

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (cali guray”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews