berberatoday.com
Joe Biden Oo Bixiyay Amar Aanay Ubadheedhin Madaxweynayaashii Ka Horreeyay
April 11, 2021 - Written by admin

Washington(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo saaray amar lagu bartilmaameedsanayo qoryaha guryaha lagu haysto, ee loo yaqaan “qoryaha cirfiidka” kuwaasoo lagu sheegay inay diiwaangashanayn helitaankooduna adag yahay.

“Rabshadaha qoriga uu sababa oo gudaha Mareykanka ka dhaca waa masiibo” ayuu yidhi.

Madaxweyne Biden ayaa ku dhawaaqay in la qaado tallaabboyin horleh oo loo marayo amar fulineed uu bixiyay, taasoon u baahnayn inuu aqalka kongreska meel mariyo.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden

Tallaabbooyinkaasi oo ay ka mid yihiin noocyada qoryaha xeer in loo dajiyo, asalkooda in la baadho iyo in la taageero tallaabba kasta oo lagaga hortagayo rabshadaha maxalliga ah ee hubkaasi ka dhasha.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha awaamiirtan cusub uu bixiyay wuxuu kala kulmi doonaan culays aan yarayn. Xaqa hub qaadashada maadaamaa uu ilaalinayo dastuurka labaad ee Mareykanka ee isbeddelka lagu sameeyey dad badanna xakameynta hubka ay u arkaan mid xadgudub ku ah xuquuq dastuuri ah oo ay muwaaddinintu leeyihiin.

Saacado un markii ay ka soo wareegtay iclaaminta madaxweyne Biden ee hubka in la uruuriyo, hal qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday gobolka Texas ee Mareykanka. Halka shan qof oo goob ka dukaameysaneyna ay ku dhaawacmeen.

Sida oo kalana hal askari ayuu dhaawac soo gaadhay xilli ay booliska ku raad joogeen soo qabashada shaqsi lagu tuhmay inuu weerarkaasi geystay.

Arbacadina 5 qof oo ay 3 ka mid ah yihiin carruur ayaa lagu dilay South Carolina. Qofka looga shakisan yahay inuu weerarka geystay oo magaciisa lagu sheegay Philip Adams uu yahay ciyaartooy hore.

Weerarkaasina waxaa ka horreeyay labadi weerar ee ka kala dhacay Colorado iyo Georgia oo ay ku dhinteen 18 qof.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews