berberatoday.com
Prince Philip Oo Ahaa Sayga Boqoradda Elizabeth Oo Geeriyooday Isagoo 99 Sano Jira
April 11, 2021 - Written by admin

London(Berberatoday.com)-Prince Philip, oo ahaa Boqoradda Elizabeth ninkeeda, ayaa geeriyooday isagoo 99 jir ah, sida uu shaaciyay qasriga Buckingham.

Amiirka ayaa boqoradda oo xilligaas ahayd Princess Elizabeth guursaday sanadkii 1947-kii, shan sano ka hor inta ayna noqonin boqorad, waxaana uu ahaa seygii muddada ugu badan kasoo howl galay taariikhda boqortooyada Ingiriiska.

Bayaan ka soo baxay qasriga Buckingham ayaa lagu yidhi: “Waa murugo qota dheer in Boqoradda ay ku dhawaaqdo geerida seygeeda ay jecleyd, Prince Philip, oo ahaa amiirka Edinburgh.

 

“Amiirka darajada boqortooyo leh waxa uu u geeriyooday si nabad ah isagoo ku sugan Windsor Castle.”

Prince Philip iyo boqoradda waxay isu dhaleen afar carruur ah, siddeed carruur ahna waxaa sii dhalay ilmahooda halka 10 ay carruurtaas kale sii dhaleen.

16-kii bishii March ayuu Prince Philip dib ugu laabtay qasriga Windsor kaddib markii uu hal bil ku jiray isbitaal.

Dadweyne ayaa ubaxyo hor dhigaya Qasriga iyagoo boqortooyada u muujinaya sida ay uga murugeysan yihiin geerida Amiir Phlip.

Sidoo kale, waxaa isasoo taraya farriimaha tacsida ah ee ka imanaya madaxda Caalmaka. Ra’iisal Wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa sheegay in amiirka uu dhiirrigelin u noqday dhalinyaro badan.

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa Isniinta qaddarin u sameyn doona amiirka, iyadoo kalfadhi gaar ah loo sameyn doono tacsidiisa.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews