berberatoday.com
Soonka”Iyo Xanuunada Macaanka,Dhiigkarka, Subagawga Iyo Wadne Xanuunka
April 11, 2021 - Written by admin

Ku soo dhawow akhriste taxanaheenii caafimaad oo aynu maanta ku falan qayn doono faa’iidada caafimaad ee soonku leeyahay.

Soonku waa mid ka mid ah cibaadooyinka la inagu adoonsaday isla markaana leh ajar aad u weyn. Waxa jira albaab ku yaala jannada lagu na magacaabo Rayyaan oo lagu sooro keliya dadka sooma. Waxaa se nicmo weyn ah kana mid ah naxariista Ilaahay ee badan in soonku hadana yahay mid kor u qaadaya caafimaadka qofka muslimka ah.

Waa fursad ay ku hagaagi karaan cillado badan oo caafimaad. Waxa ugu mudan walow aynu mid mid ugu faaqidi doono qormooynka todobaadada soo socda hadii Alle yidhaa, :-

Macaanka

Macaanku waa cudur ka dhasha dheeli ku yimaada dheecaan ka mid ah kuwa qanjidhka ganacu soo saaro oo loo yiqaan Insulin iyo glucose oo ah maadada soo baxda ka dib marka la dheef shiido cunnada. Daraasadaha ayaa hadda xiiseeya faaidada soonka gaar ahaan dheefta uu u leeyahay cudurka macaanka. Macaanka nooca 2-aad ( type 2 Diabetes) waxa dhaca in Insulin ta uu ka jawaabi waayo jidhkeenu (Insulin resistance) taas oo kicinaysa macaanka. Soonka ayaa kor u qaada shaqada iyo hufnaanta insulinta taasi waxa ka dhalata in uu macaanku dego si fududna loo xakameeyo.

Caabuqa

Nooc ka mid ah hababka difaaca ee jidhkeena ( Inflammation) ayaa marar badan hadii uu dheeraado mudadadiisu u geystaa jidhka dhibaatooyin badan . soonka ayaa hoos u dhiga qaar ka mid ah dheecaanada difaac kaas oo ka qayb qaadan doona maaraynta xaalado badan oo caafimaad.

Wadne Xanuun

Cudurada wadnaha ayaa ah mid ka mid ah cudurada hogaaminaya dhimashada. Waxa hoos loogu dhigaa in la saxo nolol maalmeedka qofka. Soonka ayaa lagu taliyaa in uu hoos u dhigo xaaladaha ay ka mid ka yihiin Dhiig karka iyo subagawga.

Shaqada maskaxda

Soonka ayaa caawiya hufnaanta adeega maskaxda isla markaana kor u qaada soo kabashada unugyada neerfaha.  Soonka ayaa hoos u dhiga cudurada wax yeelleeya garaadka qofka sida asaasaqa.

Miisaan dhimidda

Soonka ayaa hoos u dhiga miisaanka iyada oo ay yaraanayso qaadashada cuntadu, waxa kale oo weheliya in dheecaanada qaar uu kor u qaado soonku kuwaas oo caawiya inuu qofku dhimo miisaankiisa.

Soonka ayaa la arkay diraasado xayawaan lagu sameeyey in uu hoos u dhigey cimri degdega isla markaana kor u qaaday cimriga xayawaanada lagu tijaabiyey.

Taladayda todobaadkani akhriste waa ku dedaal cibaadada oo qorshee inaad carbiso naftaada bishan barayksan.

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

Email:deeqadahab17@gmail.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews