berberatoday.com
Dugsiyadda Gaarka Loo Leeyahay Saw Kuwaan Ogaa Maaha”Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame
April 20, 2021 - Written by admin
Meeshu waa Hargeysa Sannadkuna waa 2006-dii. Waxan macalin ka ahay mid ka mid ah dugsiyada sare ee gaarka loo leeyahay. Maamule aad u wanaagsan oo macallimiinta duruuftooda ka war haya ayaa Dugsiga jooga, balse nasiib darro, laba nin oo basharka Alle abuuray, qiimo sidaas ah la lahayn ayaa Dugsiga Mulkiilayaal ka ah.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Macalin Soomaali Sujuu ahaa, oo English-ka dhigi jiray Geeri ku dhacday, oo walaalkii ku dhintay magaalo kale.
Maamulihii gobta ahaa sidii qof ashahaadanayaa yeeli jiray ayuu yeelay, oo macalinkii muddo todobaad ah ayuu fasaxay. Garo oo xiisadihii macalinku way bannaanaadeen, oo kolba fasal xiisaddii English-ka u lahaa ayey ardaydiisii dibada u soo baxeen. Ha arko labadii meesha lahaa mid ka mid ahi, cadho ha is madax maro, mar kaliya ha ku qayliyo maamulihii “Aniga meheradaydu nin maqan u xidhmi maysee, hadda macalin English ii doon”
Saddex maalmood isaga oo maqan ayaa macallin kale la keenay, saddex fasal oo ka mid ah shantii fasal, ee macalinka geeridu ku dhacday dhigayeyna waa lagu wareejiyey. Labada fasal ee loo reebay maamulihii xalaasha ahaa ayaa ku dagaalamay!!!
Weli waan xasuustaa maalintii uu yimi ee warkii loo sheegay ee uu yaqiinsaday in 60% lacagtii uu qaadanayey ah macalin kale lagu sii wareejiyey, macalinkaasi sida uu u meehannaabay iyo madluunnimadii ka muuqatay!!!!
Wuu geeriyeysnaa halkii wax laga tari lahaa, xataa haddii aan adduun la siinayn niyadda looga dhisi lahaa, ayaa dulmi iyo tacaddi loogu dar.
DHACDO LABAAD
Sannadkii 2009-kii ayaan ka hawl-galay mid kale oo kuwa gaarka loo leeyahay ah. Lacag aad u badan ayaa ardayda laga qaadi jiray oo ta jaamacadaba malaha ka badnayd.
Hargeysa inteeda wax haysata caruurtooda iyo ubad badan oo qurbaha laga keenay ayaa dhigan jiray. Caruur yaryar oo rag iyo dumar qalbi wanaagsan ayey ahaayeen, laakiin aan ogayn macallimiinta wax u dhigta tacaddiga, ku tiiqtiiqsiga iyo tun jileecsiga lagu hayo.
Macalimiintan hoos u wada ooyeysaa, ubadkay wax baraan may dareensiin jirin sida bahalnimada ah ee loola dhaqmo, way la qosli jireen oo la farxi jireen iyadoo qaarkood aan afar bilood mushaar la siin, markay hadlaana loogu hanjabayo “Iska dareera kenyati baan keensanayaaye”
Maalin uun mid macalimiinta ka mid ah oo aanu yaraantii isku reer Gebiley ahayn, ha iga calaacalo kuye “Saddex bilood mushahar maan qaadan.” Waa xilligii nusasaacaha oo roodhi yar iyo Shaah baan meel gidaar ah la fadhinaa. “Malaha account baad meesha ku leedahaye war hagaagsan ii sheeg” ayaan ku idhi anigoo aan rumaysnayn warkan uu ii sheegayo. “Wallaahi waa runtay” ayuu igu yidhi.
Goor aan kacay bal adba garo!!!! Anoo xiimaya ayaan office-kii maamulku fadhiyey aan galay. Fudayd iyo fariidnimo mid ay iga ahaydba, af-jooga ayaan u adeega, macalinkiina waan u hadlay u dooday weliba waan u badheedhay in iska tag la igu yidhaa oo aan ku shaqo waayo. Ninkii shaw hoosta ayuu iga qaniinay oo ummad uu addoonsanayey ayuu ii arkay inan wax fahansiinayo.
Ninkani Macalin kasta heshiis buu la galaa oo la saxeexaa marka shaqada la bilaabayo. Heshiiskan malaha meel baa laga soo dheegtay oo waxa ku yaal qodob odhanaya “Maacalin waliba fasaxa waxa uu leeyahay mushaarkiisa oo dhan” laakiin weligeed Macalin qodobkaas loo fuliyey ma jiro.
Markii fasaxa la sii geliyey aan heshiiskii nuqulkaygii soo qaato, oo lacagtii fasaxa aan weydiisto. Af buuxa ha igu yidhaahdo “iguma lihid.” “Miyaad waalnayd markaad heshiiskan saxeexaysay” ayaan ku idhi. Kolba dhan ha isku qaado, markaan u dabcin waayey intuu lacagtii farta iga saaray ha igu yidhaahdo “Dugsigayga iiga tag” kkkkkk wacad Alle intaan ka tirsaday ayaan Anna taa qulunquulle maray.
Aakhirkii, Waalidiin qurbo-joog u badan, ayaa ogaaday in macalimiin tobaneeye ahi, muddo 2 bilood ilaa afar bilood inta u dhexaysa ah,ay bilaa mushahar yihiin. Ninkii dugsigii loogu wada keen waalidkii. Aad baa loola xisaabtamay.
“Lacagta aad naga qaado, ma dhismahan baanu siinnaa mise Macalimiinta caruurta wax noogu dhigto” “sideed u dala’sataa, u dulmidaa, ee ugu hanjabtaa kenyati baan keeniye iska taga” ayaa lala boobay.
Af-buuxa ayuun buu ku yidhi “BEER BUSTAAN AH BAAN IIBSADAY OO HALKAAS BAAN LACAGTII GELIYEY”
DUGSIYADA GAARKA LOO LEEYAHAY, QIYAM AANAY KU DHAQMIN AYEY ARDAYGA KA DOONAYAAN INU KU DHAQMO.
Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame)
La soco…………… qaybo kale.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews