.

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Hal maalin ka hor dowladda Britain ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Chad ugu baaqday inay isaga baxaan halkaas kaddib markii lasoo gaarsiiyay xog ku saabsan in ay olole wadaan fallaagada, ayna kusii dhawaanayaan magaalada Faya oo 770 km (478 meyl) dhinaca waqooyi ka xigta caasimadda N’Djamena.

Guusha doorashada

Waxaa la filayay in madaxweynaha loo caleema saaro kursiga markii lixaad, maadaama ay muuqatay inuu ku guuleystay doorashadii dhacday 11-kii bishan April.

80% ka mid ah coodadkii la tiriyay ayuu ku guuleystay sida lagu qeexay natiijada hordhaca ah.

Laakiin markii lagu dhawaaqay geeridiisa waxaa la kala diray dowladda iyo baarlamaanka. Gole ka socda militariga ayaa dalka Chad maamuli doona 18-ka bilood ee soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in Janaraal Mahamat Kaka loo xushay inuu noqdo hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee dowladda.

Mr Déby wuxuu xukunka ku qabsaday afgambi dhacay sanadkii 1990-kii, in ka badan 30 sano ayuuna xilka hayay.