Dowladda Soomaaliya Oo Diiday Ergayga Midowga Afrika Usoo Magacaabay Dhexdhexaadinta Arrimaha Doorashada
May 12, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Soomaaliya ayaa diiday magacaabista iyo inuu dalka yimaado Wakiilka sare ee uu Midowga Afrika usoo magacaabay Soomaaliya, John Mahama, si uu u hogaamiyo wadahadalada dhexdhexaadinta arrimaha doorashada.
Dowladda Soomaaliya ayaa xustay in aysan kalsooni ku qabin madaxweynihii hore ee Ghana sababo la xiriira xiriirka uu la leeyahay dowladda Kenya.